3849 Views

R/wasaaraha oo guddi u magacaabay xiisada Gaalkacyo

R/wasaaraha oo guddi u magacaabay xiisada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 28, 2015 — R/wasaaraha dalka ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib markii uu safar shaqo ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe.

R/wasaraha xukumadda federaalka Soomaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa ujeedada safarkiisu ahaa xallinta colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, isagoo magaalooyinka Garowe iyo Cadaado kula soo kulmay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland.

Wuxuu sheegay R/wasaaraha in madaxweynayaasha labada maamul ay ka ogolaadeen in ay tagaan magaalada Gaalkacyo, si loo baajiyo dagaal kale oo halkaasi ka dhaca.

R/wasaare Sharma’arke ayaa tilmaamay in guddi heer wasiir ah uu u magacaabay xallinta colaadda Gaalkacyo, iyadoo xubnaha gudigaasi ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, iyo taliyaha ciidanka XDS.

Mgaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ka dhaceen dagaallo kale oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment