5166 Views

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

 Moqdisho, November 28, 2015 — Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in Xaalada magaalada Gaalkacyo degantahay, kadib dagaal culus oo saaka ilaa barqadii ka socday xaafado ka tirsan magaalada, iyadoo ay soo baxayaan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay magaalada.

Ugu yaraan sideed ruux ayaa la sheegay inay dagaalka ku dhinteen, kuwaasoo ahaa labada dhinac iyo dad rayid ah, halka tobanaan kalena ku dhaawacmeen.

Rasaas goos goos ah ayaa mararka qaar laga maqlayaa aagaga ay isku hor fadhiyaan ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug, waxaana magaalada ka sii socda barakaca ballaaran ee ay sameynayaan dadka rayidka ah.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay isku weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha lidka diyaaradaha ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug ay horumar ka sameeyeen dagaalka, isla markaana la wareegeen goobo fariisimo u ahaa Ciidamada Puntland, waxaana wararkan ay yihiin kuwo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu xalay ku hoyday Garowe, isla markaana la kulmay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, isagoo kala hadlay sidii xaalada loo qaboojin lahaa, dadkii ka barakacay dib loogu soo celin lahaa magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay tagay magaalada Cadaado, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Galmudug, isagoo kala hadlay sidii colaada Gaalkacyo loo joojin lahaa, isla markaana wada jir nabad iyo xasilooni loogu wada noolaan lahaa.

Baaqyo nabadeed ayaa loo jeedinayaa dhinacyada ku dagaalamaya Gaalkacyo, waxaana odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya ay ugu baaqeen labada dhinac inay joojiyaan dagaalka oo ay nabada iyo xasilooni.
Wixi nagu soo kordha, kala socda halkaan.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment