5058 Views

Wasiirka Gaashaandhiga: “Ciidanka Xoogga dalka qeyb kama ahan dagaalka Gaalkacyo”

Wasiirka Gaashaandhiga: “Ciidanka Xoogga dalka qeyb kama ahan dagaalka Gaalkacyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 29, 2015— Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in ciidamada xoogga dalka ay ku lug leeyihiin dagaalka Gaalkacyo ku dhex maraya Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib markii Puntland ay sheegtay in dagaalada ay ka qeyb ka yihiin Ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Gaalkacyo inay si deg deg ah dagaalka u joojiyaan oo ay wada hadal ku xaliyaan khilaafkooda.

Mudane,C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasto oo ay ku sugan yihiin aysan ku lug yeelan karin wax ka baxsan Waajibaadkooda Qaran ee ah Difaaca Dalka, wuxuuna intaa ku daray in baaritaan lagu sameyn doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkaas, iyagoo adeegsanaya magaca Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa in aan halkaan ka sheegno in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin, Cid walba oo ku xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxaana loo aqoonsanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Diini.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalada ka dhacaya Gaalkacyo inay ku naf waayeen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuwa kalena ku dhaawacmeen, waxaana uu tilmaamay in xilligan la joogo aanay muhiim aheyn in dad Soomaaliyeed ay dhib isu geystaan.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo tababar uga socda Galgaduud ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka Gaalkacyo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment