3210 Views

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka D. F. oo furay shirweyne looga hadlayo Manhajka waxbarasho ee dalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka D. F. oo furay shirweyne looga hadlayo Manhajka waxbarasho ee dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 29, 2015— Ra’iisul wasaare ku-xigeenka D F Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta furay shirweyne heer Qaran oo looga tashanayo manhajka waxbarasho ee dalka, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbrashada iyo tacliinta sare.

Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay ergooyin ka kala socday gobolada dalka iyo sidoo kale culimaa’udiinka Soomaaliyeed, waxaana mas’uuliyiinta ka qayb gashay ay ka jeediyeen khudbado looga hadlayay muhiimada dalka uu u leeyahay manhajka Waxbarashada dalka ee dib loo nidaaminayo oo ay wado Wasaaradda waxbarashada.

Guddoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay bulshada mideynta manhajka waxbarasho ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadro Bashiir Cali ayaa xustay in ahmiyad weyn ugu fadhido in ardayda Soomaaliyeed ay helaan manhaj u gaar ah,  kaasi oo ay xustay in Wasaaraddu ay dadaal ugu jirto dib u sooo noleynta manhajkii waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo gaba gabadii ka hadlay shirweynaha ayaa ugu horeyn bogaadiyay howsha dib u nooleynta manhajka Waxbarashada dalka, isagoo ka qayb galayaasha u soo jeediyay in ay talooyin wax ku ool ah ka soo saaraan shirkaan labada maalin soconaya.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment