4707 Views

Gaas iyo Guuleed oo la isu keenayo

Gaas iyo Guuleed oo la isu keenayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 30, 2015– Dadaalo dhan kasta ah oo la isugu keenayo Madaxweynayaasha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu kulamo gaar gaar ah la leeyahay labada dhinac oo isku haysta magaalada Galkacyo.

Dadaalka iyo waan-waanta la wado, ayaa waxay ujeeddadoodu tahay sidii lagu xalin lahaa xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland oo magaaladaas ay ku dhex mareen dagaalo khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba sababay, kuwaas oo laga dareemayo gobolladaas oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa labada dhinac ka dhex wado waan waan nabadeed, iyadoo kulamo la qaatay odayaasha, waxgaradka, culumaa’udiinka labada dhinac, sidii loo soo afjari lahaa colaada.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo, si ay uga qeyb galaan wada hadalada la doonayo in lagu soo afjaro colaada Gaalkacyo, isla markaana la isugu keeno labada madaxweyne.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa gudbay dhanka koofureed ee Gaalkacyo uu kulan la leeyahay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, isagoo kala hadlaya sidii loo gaari lahaa heshiis dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay la kulmay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, isagoo kala hadlay sidii xiisada loo qaboojin lahaa, isla markaana ciidamada is hor fadhiya loo kala qaadi lahaa, lana soo celiyo dadkii ku barakacay dagaalada.

Waxaa lagu wadaa shir guud inay wada yeeshaan madaxda Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaana shirkan ayaa xoogiisa waxa uu salka u hayaa sidii go’aamo wax ku ool ah looga soo saari lahaa xiisada oo markii hore ka bilaabatay waddo Puntland ka dhiseysey Xaafada Garsoor.

Wariyeyaasha ku sugan Gaalkacyo ayaa soo sheegaya inay maanta u badan tahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadii gaalkacyo, waxaana wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay illaa iyo haatan ku guuleysteen in labada dhinac aqbalaan xabad joojin iyo in kulan fool ka fool ah wada yeesheen.

Xaalada magalada Gaalkacyo ayaa maalintii labaad ddegan, dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inay guulaystaan, maadama ay isa soo tarayso baaqyada ku aadan in la dhameeyo colaada Gaalkacyo, si ay dadka deeganka nabad u helaan.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment