3801 Views

Madaxweynaha Galmudug oo Ra’iisul Wasaaraha ku wareejiyay maxaabiis

Madaxweynaha Galmudug oo Ra’iisul Wasaaraha ku wareejiyay maxaabiis
____________________________________________________________________________

 

 

Muqdisho, November 30, 2015 –  Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid sagaal maxbuus oo ka mid ahaa ciidamadii Puntland ee lagu qabtay dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Shir jaraa’id oo si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug ay u qabteen, ayeey ku dhawaaqeen afar qodob oo lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu sheegay in dhankooda ay aqbaleen afartaas qodob.

“Afarta qodob ee Ra’iisul Wasaaraha soo bandhigay waa aqbalnay oo ahaa in xabada la joojiyo, in ciidamada la kala qaado, in dadka barakacay la soo celiyo iyo in guddi wada hadal oo waxa la isku haayo iyo dhibka jira ka wada hadla la magacaabo, waxaa cadeyneynaa in qodobadaas aan si shuruud la’aan u aqbalnay”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ku sharfeen inay ku wareejiyaan maxaabiis lagu qabtay dagaalka, isagoo xusay inay si wanaagsan ula dhaqmeen, una xanaaneeyeen.

“Waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku sharafnay inaan ku wareejino maxaabiis dagaalkii lagu qabtay ah, waa dad walaalaheena ehelkeena ah, inta aan heynay aad ayaa u xanaaneynay, waxaa u arkeynay inay ahaayeen wiilasheena oo kale”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyay maxaabiista lagu wareejiyay, waxaana uu ka mahad celiyay sida ay u qaateen in colaada la joojiyo, waxaana uu xusay inay ka rajeynayaan in labada dhinac isku waqti ku baaqaan nabad.

“Waan ku faraxsanahay qodobadii aan soo jeedinay ee afarta qodob ah inay nala qaateen, waxaa ku adkeynayaa colaada in la joojiyo, waliba in isku waqti labada dhinac inay nabad ku baaqaan, lana dhaho maanta wixii ka dambeeya inta hartay in lagu dhameeyo wada xaajood, isla markaana aanay xabad dambe jiri doonin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahad celiyay maxaabiista lagu wareejiyay, waxaana uu ku tilmaamay inay aheyd tallaab weyn oo horay loogu qaaday niyad wanaag iyo calool fayoobi sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa uga mahad celinayaa Madaxweynaha sida sharafta laheyd ee noogu ixtiraamay maxaabiista sagaalka aheyd ee lagu qabtay shaqaaqadii maalin dhoweyd dhacday, waa tallaabo weyn oo muujineysa niyad wanaag iyo calool fiyoobi”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu ku laabto waqooyiga Gaalkacyo, si uu halkaas ula kulmo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo labaduba maanta soo gaaray Gaalkacyo.

Waxaa socda dadaalo la isugu keenayo Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug, waxaana wafdiga uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha ay ku guuleysteen ilaa iyo hada in labada dhinac ay ka aqbalaan qodobo ay u soo jeediyeen, taasoo u fududeyn-doonto in la dhameeyo colaada Gaalkacyo ka taagneed maalmahaan dambe.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment