3684 Views

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Galmudug

____________________________________________________________________________
User comments
Muqdisho, November 30, 2015— Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Koofurta Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay gelinkii dambe soo gaaray Gaalkacyo.

 

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay xalinta xiisada ka taagan Gaalkacyo iyo sidii khilaafka Galmudug iyo Puntland loo xalin lahaa, iyadoo uu socdo qorshe la isugu keenayo Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland.

Shariif Xasan ayaa ku baaqay in colaada la soo afjaro, isla markaana si Soomaalinimo loo heshiiyo, isagoo xusay dadka wada dega Gaalkacyo ay yihiin wiil iyo abtigii, ayna is dhaleen, meelna aan lagu kala tagi karin.

M/weeynaha K/G ayaa sheegay in Maamulka Koofur Galbeed ay mar walba diyaar u tahay ka qeyb qaadashada xasiloonida dalka iyo sidii Soomaali la isugu keeni lahaa, waxaana uu soo dhoweeyay in Madaxweynaha Galmudug uu ka aqbalay in wixii khilaaf ee jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is qancin.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo wafdiga la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda sokeeye ee ka taagan deegaanka, isagoo xusay Galmudug dhankooda in ka go’an tahay wax walba oo lagu soo celinayo nabadda deegaanka iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa maalintii labaad ah mid degan, iyadoo ay ka soconayaan dadaalo xoog leh oo lagu dhameynayo xiisada, waxaana tan iyo xalay ka socday magaalada kulamo lagu xalinayo colaada iyo sidii labada dhinac la isugu keeni lahaa, si heshiis nabadeed oo waara lloga gaaro arrinta cakiran ee Gaalkacyo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment