3477 Views

Xukuumadda oo ganacsatada ugu baaqday inay canshuuraha bixiyaan

____________________________________________________________________________

carte-620x264

Muqdisho, November 30, 2015— Ku xigeenka R/wasaaraha xukuumadda, mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuuraha si bulshada Soomaaliyeed ay dowladda uga helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho, ayuu sheegay mudane Carte in dowladda Soomaaliya ay sanidihii la soo dhaafay ay horumar badan ka sameysay horumarinta hannaanka maamulidda dhaqaalaha ee Soomaaliya.

“Dowladdu si ay adeeg u siiso dadka, waa in ganacsatdu canshuurta bixiyaan, Si markaa ay dowladdu wax u qabato waxaa la doonayaa in canshuurta la bixiyo, oo ay noqdaan kuwo lagu qaban karayo adeegga ay shacabku u baahan yihiin.

Hya’adaha caalamiga ah ee dowladaha ka taageera dhinaca dhaqaalaha sida IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay wanaajinta hannaankeeda dhaqaale, taas oo suurtagal ka dhigi karta in hay’adda lacagta adduunku ay Soomaaliya ka cafiso deymaha ay ku leedahay.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment