4920 Views

Beesha Caalamka oo Baaq u jeediyay dhinacyada Dagaalka Gaalkacyo

Beesha Caalamka oo Baaq u jeediyay dhinacyada Dagaalka Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, December 01, 2015 – Dowladaha Caalamka & Hay’addo Caalami ah ayaa wada cambaareeyay Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo, waxayna ku baaqeen in si isfaham iyo wadahadal ku jiraan lagu dhameeyo Colaadda taagan.

War Saxaafadeed ay ku midaysan yihiin Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD & QM ayaa lagu yiri: “aad baan uga xunahay Dagaalki Gaalkacyo, waxaana ugu baaqaynaa Galmudug & Puntland inay kawada wadahadlaan Khilaafkooda.”

Waxaa loogu baaqay Galmudug & Puntland inay Ciidankooda kala soo baxaan Jiida hore ee Dagaalka, si loog abaaqsado Dagaal markale soo laabto oo Dhiiga badani uu ku daato. Beesha Caalamka ayaa dhanka kale soo dhawaysay Dadaalka uu Hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, ee lagu doonayo in lagu dhameeyo Colaadda Gaalkacyo oo ad moodo in ay daba dheeraatay.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment