7962 Views

Horumarka Wan-waanta Gaalkacyo iyo Maanta

Horumarka Wan-waanta Gaalkacyo iyo Maanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, December 01, 2015 – Wufuuda ka socda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa wali ku howlan sidii loo gaari lahaa heshiis wax ku ool ah oo lagu xallinayo khilaafka dagaalka dhaliyay ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Wasiiru-Dowlaha madaxtooyada Xildhibaan Mahad Salaad oo Radio Muqdisho la hadlay saakay ayaa sheegay in kulamo gooni gooni ah ay la qaadanayaan masuuliyiinta Galmudug iyo Puntland, dhawaana ay wada hadli doonaan labada madaxweyne ee dowlad-goboleedyadaas.

R/wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban xildhibaano iyo wasiirro oo ku jiro wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku sugan Gaalkacyo, si ay heshiis nabadeed u dhex dhigaan labada dhinac.

Sidoo kale madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Koofur-Galbeed iyo Jubbaland ayaa ku sugan magaallada Gaalkacyo.

Wixi war ah ee nagu soo kordha wan idiin soo gudin-doonaa.

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment