5790 Views

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo eedeysay maamulka Gobalka Hiiraan

____________________________________________________________________________

Muqdisho, December 01, 2015 – Khilaaf weeyn oo u dhexeya Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ayaa sameeyn taban ku yeeshay wada shaqeynta ka dhaxeysa Maamulka Heer Gobol, iyo heer degmo.

Wasiir ku Xigeenka Wasarada Ariimaha Guudaha iyo Federaalka Cali Sheekh Maxamed ayaa sheegay in khilaafka u dhexeya Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ay dhabar jab weyn ku tahay Howllaha loo hayo Bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Wasiir ku Xigeenka Wasarada Ariimaha Guudaha iyo Federaalka Cali sheikh Maxamed ayaa sheegay in sharciga uu yaala dalka uu san qabin in la kala qaado Guudoomiyaha degmada iyo Duqa Magaalada isago sheegay in sharciga uu qabo Guudoomiyaha degmada ahna Duqa Magaalada.

Guudoomiyaha Qurbo joogta Gobolka Hiiraan Tawane Sabriye ayaa sheegay in dowlada Federaalka looga bahan yahay in ay wax ka qabto khilaafka ka dhax tagan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne islamarkana sameeyn ku yeeshay wada shaqeynta ka dhaxeysa Maamulka Gobolka,iyo kan degmada Baladweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne Khilaaf u dhaxeeyay ayaa sababay in Guddoomiyaha Baladweyne ay Wasaaradda arrimaha gudaha keento Muqdisho inkasta oo uu hadda dib ugu laabtay, halka arrin kaa ka duwanna uu sababay in Guddoomiyaha Gobolka la keeno Muqdisho, in kasoo an la ogeeyn waxa uu mudoonsan-doono.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment