3225 Views

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ku soo biiray wada hadallada Gaalkacyo

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ku soo biiray wada hadallada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, December 1, 2015 – Wan-waan iyo wada hadalo aan loo kala harin ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaasoo la doonayo in lagu soo afjaro dagaaladii dhowaan ka dhacay, iyadoo wada hadaladan nabadeed uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa ku biiray wada hadaladan oo xalay u muuqday mid xaalad adag soo wajahday, markii Madaxweynaha Puntland uu ka hor-yimid qaabka loo wajahayo heshiiska nabadeed iyo qodobada uu soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha ee afarta ahaa, inkastoo maanta ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland uu aqbalay afartii qodob oo loo soo jediyay.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michel Cerveno D’urso, Ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, wakiil ka socda Midowga Afrika, Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno kale ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Wasiirada ka socda Dowlada Dhexe.

Xubnahan ka socda Beesha Caalamka ayaa xoojinaya dadaalada nabadeed ee uu wado Ra’iisul Wasaaraha, waxaana labada dhinac ay ku cadaadinayaan inay gaaraan xal kama dambeys ah, iyo in si wada jir ah ugu dhawaaqaan baaq nabadeed oo waara

Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Jubbaland iyo xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa u gudbay dhanka koofureed ee Gaalkacyo, iyagoo la kulmay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana ay kala hadleen sidii ay loo soo afjari lahaa colaada, loona gaari lahaa heshiis dhameystiran.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wafdiga heer federaal iyo Madaxda Beesha Caalamka ay dadaal ugu jiraan inay isu keenaan Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug, si ay heshiis ay goob joog ka yihiin beesha caalamka qalinka ugu duugaan, loona soo afjaro colaada taagan.

Inkastoo intii wada hadaladan socdeen la maqlay rasaas kooban oo ay is weydaarsadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Jubbaland ayaa hadana odayaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka ee qeybta ka ah xal u helida colaada ayaa ku baaqaya in aan la carqaladeyn wada hadalada socda, iyagoo labada dhinac ugu baaqay inay tixgeliyaan waan waanta socota.

Heshiisyada afarta qodob ee ay labada dhinac aqbaleen ayaa laga yaabaa inay si wada jir ah meel fagaare ah uga saxiixaan, inkastoo wali ay qabyo tahay dadaalada la doonayo in la isugu keeno Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa tan iyo xalay ka daalin labada dhinac ku qanciyaan inay xal gaaraan, isla markaana lagama maarmaan tahay in labada dhinac ay soo afjaraan colaada, lana soo celiyo dadkii barakacay, ciidamada is hor fadhiyana la kala qaado, mustaqbilkana la dhowro nabad aagaas.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment