4128 Views

Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda oo lagu dilay degmada Dharkeenley.

Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda oo lagu dilay degmada Dharkeenley.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, December 2, 2015 – Koox hubaysan ayaa Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho,ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda oo lacago ka qaadi jiray gaadiidka isticmaala Wadad Jaayga ee degmadaasi.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay meel an ka fogeeyn Masaajidka Salaama ee ku dhow jidka. Askariga la ku dhintay dilka, ayaa lagu magacaabi jiray Saalax Carab, waxaana uu ahaa nin dhalinyaro ah oo caan ku ah qaadis Lacaga Baada ah  ee ay la qaado Wadayaasha Gawaarida Bii’elka ah iyo wixi la mid ah.

Cidi ka dambeeyay dilka askarigaasi ayaa sida caadada ahayd, ka baxsaday goobta dilka ay ka geysteen oo markii dambe ay gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya.

Ciidamada dowladda ayaa soo qaaday meydka marxuumkaas  oo ay dulduleeyiin rasaas laga soo tuuray bistoolado ay wateen ragga dablayda ah ee dilka geestay.

Ma aha markii u horaysay oo askari ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya lagu dilo degmada Dharkeenley, mar kastana cidi wax dishay way baxsataa!

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment