3885 Views

Itoobiya oo xirtay C/asiis Xasan Cilmi” Aftaag “

____________________________________________________________________________

timthumb5E4YZQLO

Muqdisho, December 2, 2015 – Ciidanka Militariga Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Taliyihii Ciidanka Booliska Ee Degmada Baardheere, Korneyl C/casiis Xasan Cilmi (Aftaag).

Ciidanka Itoobiya, ayaa shalay xiray Taliyaha, xilli uu ka soo laabtay Magaalada Muqdisho, halkaas uu u joogay arrimo la xiriira tababarka qaabka ay u hawlgalaan Booliska.

Sababta loo xiray Taliyaha, ayaa laga sheegay in ay la xiriirto, isagoo u janjeera dhinaca Dowladda Federaalka Somaliya, isla-markaana saluugsan Ururka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, oo gacan weyn ka gaystay qabashada Degmadaasi Baardheere, oo ah Degmada ugu weyn Gobolka Gedo.

Wararka qaar sheegaya in C/casiis Xasan Cilmi laga horjoogsaday in uu gudaha u galo Degmadaasi,  oo iminka ku xiranyahay Garoonka Baardheere.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baardheere, ayaa kuwa aan ku shaqayn awaamiirta Dowladda Somaliya & Taliska Amisom oo sida ay doonaan ka yeelo hadba meesha ay ka joogaan Soomaaliya.

Itoobiya & Kenya, ayaa waxaa la tilmaamaa inaanay daacad ka ahayn doorkooda Nabad Ilaalinta Somaliya, iyadoona lagu dhaliilo in ay xagal-daacinayaan in Somaliya ay dib markale cagaheeda isugu taagto taas oo Bulshada Caalamka iyo IGAD ay indhaha ka xirteen.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment