3849 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Gaalkacyo

____________________________________________________________________________

Xasan-Sheekh-shir-jaraaid-195x110

Muqdisho, December 2, 2015 – Madaxweynaha D. F. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Gaalkacyo, isagoo cadeeyay in dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto sidii loo xalin lahaa iyo sidii nabad loo gaari lahaa.

Madaxweynaha oo wareysi siinayay Radio Daljir oo ka howl gala deegaanada Puntland ayaa sheegay in dagaalka Gaalkacyo aanu aheyn mid siyaasad iyo guul lagu gaarayo, balse ay tahay nasiib darro in dagaal uu dhiig ku daato uu soo laabto.

“Waxaa rabaa rabaa inaa ka hadlayo in arrinta la siyaasadeynayo in laga daayo, dhiig Soomaaliyeed oo daadanaya siyaasadeyn ma galo, dadka dhinac siyaasada u jiidaya meeshaas wax siyaasada oo Gaalkacyo Koofurteeda iyo waqooyiga ka dhex jira ee dagaalkooda siyaasad iyo guul lagu gaariyo haba yaraatee ma jirto”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madaxda Puntland inay qaataan doorkooda, isla markaana inta dhiman u istaagaan, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo lana ixtiraamo doorka odayaasha dhaqanka.

“Dowladda Federaalka doorkeeda guud ee qaran waa qaadatay, waxaa ka codsanayaa Madaxda Puntland iyo galmudug in doorkooda qaataan, waana qaateen, mas’uuliyad ayay muujiyeen, inta dhiman waxaa rajeynayaa inay u istaagi doonaan, waa in la ixtiraamaa lana ilaaliyaa doorka odayaasha dhaqan,a waxaa is leeyahay nabad waarta ayaa meeshaas ka imaan karta, aad ayaana ugu rajo weynahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatada ka dhacday Gaalkacyo ay aad u xanuujineyso, isla markaana aanay raalli ka aheyn waxyaabihii dhacay, balse ay ka mid tahay nasiib darooyinka mar mar soo wajaho Soomaaliya, waxaana uu xusay sida ay uga xun tahay dowladda Federaalka daliil u tahay in madaxdii dalka ugu sareysay ay ka qeyb qaadanayaan xalinta dagaalada iyo nabadeynta labada dhinac.

“Sida dowladda Federaalka uga xun tahay arrintaas waxaa daliil u ah in madaxdii dalka ugu sareysay ay meeshaas joogaan, maamul goboleedyadii kale madaxdooda waxaa ka codsanay inay meesha tagaan, si arrinta loo gaba gabeeyo, arrinta Gaalkacyo culeyskeeda sida uu noola weyn yahay taas ayaa daliil u ah, shil dhacay weeye, waana ka xunahay aad iyo aad ayaa uga muragooneyna, anigana 24-saac kasta kama maqni, waa la joogaa dadka meesha joogo, xiriirkeena waa joogto, daqiiqad daqiiqad iyo saacad saacad ula hadlaa, ifafaalaha iyo yididiilaha aad ayuu fiican yahay, waxaa laga shaqeynaya in shilkaas dambe aanu soo noqon”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay socdaan dadaalo aad u xoogan oo labada dhinac lagu dhex dhexaadinayo, iyadoo ay saxiixeen heshiis ka kooban afar qodob oo lagu soo afjarayo xiisada dagaal, taas oo an ogeeyn in ay hirgelayaan iyo in kale.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment