3528 Views

Madaxweye Xasan: Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah…

Madaxweye Xasan: Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah…
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo. Waxaa heshiiskan uu ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumarka iyo nabadda’’

Muqdisho, 2 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee maanta magaalada Gaalkacyo ay ku kala saxiixdeen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland (Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali).

Heshiiskan oo ka kooban afar qodob, ayaa ah mid lagu soo afjarayo dagaal dhowaan magaaladaa Gaalkacyo ku dhexmarey ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo. Waxaa heshiiskan uu ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumarka iyo nabadda’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu si gaar ah ammaan ugu jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo intii kale ee kala qeyb qaadatey dadaalkii nabadeed ee halkaasi laga wadey.

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment