3882 Views

Xildhibaan Saadaq C/kariin Maxa’ed oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Saadaq C/kariin Maxa’ed oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, December 2, 2015 – Allah ha u naxariistee, waxaa mar dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho, Xildhibaan Saadaq C/kariin Maxa’ed, oo kamid ahaa Mudaniyaasha Baarlamaanka Somalia ayaa Saakay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka, ayaa waxa uu mudo ahaa Bukaan-jiif, waxaana Geeridiisa xaqiijiyay sida Wacaal Media  ay qortay, Xaaji Ciise Cabdulle oo Adeer u ah Xildhibaanka.

Wuxuu sheegay in la geeyay dalal badan oo Kenya kamid tahay, si wax looga qabto Xanuunkiisa, balse markii wax laga qaban waayay dib loogu soo celiyay Muqdisho oo Saakay Labo Saac ku dhintay.

Allah ha u naxariistee Marxuumka waxa uu Ifka uga tagay 10 Caruur ah & Hal Xaas, sida uu sheegay Xaaji Ciise. Meydka Marxuum ayaa waxaa lagu wadaa Maanta in lagu aaso Qabuuraha Isbitaalka Madiina, iyadoo Geeridiisa loo baajiyay Kulan Maanta ay lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment