10773 Views

10 qof oo shacbi u badan oo ku geeriyootay dagaalkii Gaalkacyo ee maanta

10 qof oo shacbi u badan oo ku geeriyootay dagaalkii Gaalkacyo ee maanta
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo, 3 December 2015: Sida wararku sheegayaanu gu yaraan 10 qof oo sida ay ubadanyihiin shacab ah, ayaa ku geeriyooday madaafiic saakay ay is dhaafsadeen Ciidamadda Puntland iyo kuwa Galmudug ee magaaladda Gaalkacyo, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen Madaafiicdda labadda dhinac. Duqeynta kadib waxaa magaalada si toos ah uga biloowdey dagaal hakahaday goor dame oo casarnimadii Maantay ah.

Subaxnimadii hore ayaa duqeyn loo adeegsadey qoryaha waaweyn ee Hoobiyaha ka bilaamatey magaalada Gaalkacyo, iyadoo maalintii shalay xabbad joojin lagu kala saxiixday isla magaaladaasi. Wariyayaasha Joogga Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay subaxnimadii hore ay tageen jiiddda hore oo ay isku hor fadhiyaan labadda Ciidan Guddi isku dhaf ahaa oo shalay loo xulay soo afjaridda colaadda iyo kala qaadista Maleeshiyoonka is hor-fadhiyya.

Dagaalka ayaa biloowday kadib markii labadda dhinac midkood uu soo riday Madaafiic culculus halka dhanka kalena ay iyaguna ku jawaabeen Madaafiic kale, taasi oo markii dame isku bedeshay khasaare lixaad leh iyadoo labadda dhinacba ay is dhaafsadeen Qoryaha loo yaqaano lidka diyaaradaha. Madaafiicda kusoo dhacday dhanka Waqooyi ee Magaaladda gaar ahaanna xaafaddda Israac ayaa khasaare lixaad leh u gaystay goobo ay kamid yihiin xarunta shirkadda AMAL, Hotel Shaariqa, Xafiiska Idaacadaha Gaalkacyo, Masaajidka dul-qaryneyn, xarunta PDRC iyo xero Darwiish oo ay gacanta ku haysto Puntland.

PUNTLAND OO KA HADASHAY MADAAFIICDA LA IS DHAAFSADAY: Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocade oo shir jaraaid ku qabtay mid kamid ah goobaha lagu soo riday Madaafiicda ayaa sheegay in xabad joojintii shalay lagu saxiixday Gaalkacyo ay jabisay Galmudug. Wasiirka ayaa shirkaan Jaraaid ku sheegay in ay subaxnimaddii saakey u tageen Garoonaka Diyaaradaha sidii ciidanka loo kal qaadi lahaa, iyada oo la fulinaayo heshiiskii shalay.

Soocadde ayaa istaas ku daray in saraakiishii loo xilsaaray waan-waanta nabadda iyo kala qaadista Ciidamadda ay meesha tageen goobta markii la damcay in la la kala qaado ciidamadana waxaa dhacdey nasiib darro in Galmudug noqotey bahal ceeriin madaayo oo ay dagaal qaawan nagu soo qaadeen ayuu yiri Wasiirku oo hadalkiisa watay.

GALMUDUG OO IYADUNA KA HADASHAY DAGAALKA: Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa) ayaa war saxaafadeed uu soo saarey ku eedeeyey dagaalka Gaalkacyo ka dhacay in ay Puntland biloowdey. Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaadey Galmudug uu yahay mid lagu majaxaabinayo Hiigsiga 2016 ee la rabo in ay umadda Soomaaliyeed u horseedo nabad waarta, dawladnimo iyo dimoqraadiyad sida uu hadalka u dhigay.

Masagawaa mauusan sheegin khsaaare soo gaaray Madaafiicda uu sheegay in dhankooda lagu soo riday. Dagaalka iyo Madaaficda ayaa kusoo aadaya iyadoo Maalinimadii shalay ee arbacadda ay heshiis ay goob joog ka ahayd Beesha Caalamka iyo Madaxda kale ee Maamuladda dalka ay kala saxiixdeen Labadda Maamul ee Puntland iyo Galmudug, heshiiskaas ayaa dhigayay in la dhaqan geliyo xabad joojin, Ciidamadda is horfadhiyana la kala qaaddo. Waxaa si weyn la isku wadyiinayaa cidda jabisay heshiiskii shalay iyo ciqaabta ay la kulmi doonto.

Dagaalka Gaalkacyo, ayad moodaa in loogu tala galay in shacabka lagu waxyeeleeyo, Dowlada Federalka ayaa laga doonayaa in xal ka keento dadka an waxba galabsan ee maalin kasta lagu xsuuqo Gobollada iyo Degmooyinka Wadanka. Natijada Federalka ayaa billow ka ah dagaalka ka socda Gaalkacyo.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment