4350 Views

Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir oo ka waramay nabadeynta Gobollada Bari…Daawo

Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir oo ka waramay nabadeynta Gobollada Bari…Daawo
____________________________________________________________________________

Hargeysa | December 3, 2015 – La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee nabadeynta Gobollada Bari Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, oo uu dhalay mid kamida hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee ugu caansan gobollada SSC, ayaa ka war bixiyey halka ay marayan howlaha nabaddeynta Gobollada uu ka soo jeedo ee SSC, isla markaana uu madaxweynaha la-taliyaha uga yahay.

Eng. Garaad Cabdinaasir oo todobaadkan u waramay Warbaahinta Dawladda, ayaa rejo wanaagsan ka muujiyey qorshaha horumarinta Gobollada bari, iyo in guul laga gaadho khilaafka muddada dheer soo jiitamayey ee la xidhiidha arrimaha Siyaasadda.

Waraysigan lala yeeshay Garaadka oo ah mid dheer, ayaa waxa kale oo uu kaga waramay arrimo badan oo door ah, sida taariikh nololeedkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay dhismaha dalka.

Waxa kale oo uu soo jeediyey talooyin la xidhiidha sidii horumar looga gaadhi lahaa kala qaybsanaanta iyo qadiyadaha ma dhalayska ah ee ay wali gacanta kula jiraan hogaamiyeyaasha ka soo jeeda Gobollada uu ka soo jeedo, isagoo carabka ku balaadhiyey abaabulka Siyaasaddeed ee uu Cali Khaliif ka wado Sool iyo Buuhoodle. Garaadka ayaa dhaliilay mabaadi’da Cali Khaliif ku socdo, isagoo caddeeyey inaanay jirin haba yaraatee wax ku khasbaya ku dhegsanaanta fikirka Somaali-weyn.

Halkan ka Daawo waraysiga oo dhamaystiran:

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment