4377 Views

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qayb galey shirka Waddamada Saboolka ah

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qayb galey shirka Waddamada Saboolka ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3 December 2015: Ergo ka socda Soomaaliya ayaa ka qayb galey shir looga hadlayey sidii wax loogu qaban lahaa Waddamadda Saboolka iyo faqriga oo lagu qabtey Magaaldda Vienna ee Dalka Austariya.

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ah Guddoomiyaha guddiga Dhaqaalaha iyo Warshadaha ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qaybgaley shirkaasi ,isagoo sheegay in shirka ay soo qabanqaabisay Qaramada Middoobey ahmiyada shirka looga hadlay aheyd sidii Wax looga qaban lahaa  wadamadda ay ka jirto saboolnimada iyo cunno yarida .

Shirkaasi ayaa wax aka qayb galey 49 wadan oo lagu tiriyo in ay ka jirto baahi iyo saboolnimo ,taasoo lagu qiyaasay in guud ahaan Dakhliga Qofka soo galaa uu ka yar yahey 1500 dollar sannadkiiba, Dalalkaasi ayaa u badan wadamada  Afrika ee loo yaqaan Sub-Saxara ama ka hooseeya Sahara    .

Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac oo la hadlayey Raadiyo Muqdishu ayaa sheegay in shirkan lagu go`aansadey shirkii bisha sebtembar oo ka dhacey Magaaldda NewYork, oo laga soo saarey 17-qoddob o loo bixiyey dadka sidii horumar dhan walba loo gaarsiin lahaa.

Qoddobadaasi ayaa wax ka mid ahaa:

  • Sidii saboolnimda iyo faqriga looga saari lahaa dad ku nool wadanadaasi,.
  •  loogu heli lahaa dadkaasi cuuno iyo nafaqo ku filan faqriga iyo cuunno yarida
  • looga dabargoyn lahaa dadka ku dhaqan wadamaasi.
  •  daryeel caafimaad loogu heli laha ,lana hormarinaayo caaafimadka  dadkaasi loogu heli lahaa .
  •  ba`yadda iyo cimmilada wadamadaasi loo nadiifin lahaa .
  •  loo simi lahaa Raga iyo Haweenka Wadamaasi isku  si`ay wax u heli lahaayeen ,si siman uga qayb qaataan shaqadda.
  •  loogu heli lahaa biyo iyo koronto joogta ah dadka ku nool wadamadaasi
  •  loola simi lahaa dadkaasi ku nool wadamadaasi Dadyowga kale caalamka ku dhaqan iyo Qoddobo kale.

2030 in wadamadaasi badankooda ay ka baxaan Faqriga iyo Cunno yarida .

Warshadii hore ee wadamadaasi ayaa waxa ay keeney dhibaatooyin dhanka cilmilada ah iyo dhulal ay wasaqeeyaan ayaa ka dhashey.

Gebo gabada shirka ayaa Beesha Caalamka ayaa waxaa ay isku raaceen qoddobadda  lagu gaari karo horumarka iyo dhqaalaha Dadka iyo Dalka kasta.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment