6201 Views

Labada Madaxweyne, Puntland iyo Galmudug oo kitaabka lagu dhaariyay si dagaalka loo joojiyo.

Labada Madaxweyne, Puntland iyo Galmudug oo kitaabka lagu dhaariyay si dagaalka loo joojiyo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 4 December 2015: Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa xaladeeda deggan ka dib dagaal xooggan oo  dib uga billawday magaaladaasi,kaasi oo u dhaxeeyay labada maamul Puntland iyo Gal-Mudug, isla markaana geeystay khasaaro naf iyo maalba leh.

Dadaal ay sameeysay Dowlada Soomaaliya ka dib, ayaa lagu guuleystay in lagu damiyo dagaalkii dhacay, ka dib saacado badan oo ay dagaallameen ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Aaga hore ee dagaalka ayaa gabal dhacii  waxaa la geeyay madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed, halkaasi oo Kitaab lagu mariyay inay dagaalka joojiyaan, dibna aanay xabad u billaaban.

Waxaa dhaartaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Wasiirka Arrimha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo xubno kale.

Dagaalkii  ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga cuslaa dagaalladii 22-kii bishii hore iyo 28-kii bishaas ka dhacay Magaaladaasi.

Dhinaca kale weli lama shaacin khasaaraha guud ee dhimashada iyo dhaawaca dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wixi war ah ee nagu soo kordho, halkaan kala soco.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment