7323 Views

Suuq wax looga iibsanayo dhinaca Internet-ka oo looga dhawaaqay Muqdisho

Suuq wax looga iibsanayo dhinaca Internet-ka oo looga dhawaaqay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 4 December 2015: Magaalada Muqdisho ayaa maanta looga dhowaaqay suuq loogu talo galay in wax looga iibsado Internetka kaasoo hirgelintiisa ay iska kaashadeen aqoonyahano Soomaali ah.

Munaasabada furitaanka suuqan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno kala duwan oo isugu jiray, masuuliyiin iyo Aqoonyahano ka tirsan ururka SOM-INDIA oo ay ku bahoobeen ardayda Soomaaliyeed ee ka soo baxday Jaamacadaha dalka India, qaar ka mid ah madaxda shirkadaha ganacsiga qaarkood, Bankiga IBS iyo xubno kale oo ka tirsan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho

Shabakada Seylad.com oo ah barta laga isicticmaali karo suuqan cusub ayaa noqonaysa tii ugu horeeyey nooceeda ah ee caasimada laga hirgeliyo sida uu sheegay madaxa guud ee suuqan C/fitaax Maxamed Cabdi (Qeydanle) oo ka hadlay munaasabadaas.

Qeydanle ayaa sheegay in suuqan ay ugu talo galeen inuu isku xiro dadka wax iska iibinaya iyo kuwa wax iibsanaya, ujeedaduna tahay inuu labada dhinacba u fududeeyo wax kala bedelashada.

“Waxaan rabnaa in qof walba isagoo jooga hoygiisa uu wax iska iibin karo waxna iibsan karo isagoo isticmaalaya internetka, adeegan aduunka oo dhan waa ka jiraa isagoo noocyo kala duwan leh” ayuu yiri Qeydanle.

Madaxa Suuq-geynta ee Seylad.com C/raxmaan Yuusuf Macalin oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wax kala iibsiga suuqan uu hadda ku kooban yahay Muqdisho iyo nawaaxigeeda, ayna ku talo jiraan iney gaarsiiyaan Somalia oo dhan illaa heer caalami, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey qaabka looga adeegan karo suuqan.

“Qofka wax iska iibinaya tusaale ahaan mobile wuu nala soo xiriiriyaa fee aad u yar ayaa laga qaadayaa ka dibna waxaan siineynaa user iyo password u suuragelinaya in waxa uu ibinayo sawirkiisa iyo qiimihiisa uu geliyo shabakada Seylad, telefankiisa iyo halka uu joogo ayuu raacinayaa ka dib cidii dooneysa iney iibsato isagey la xiriirayaan, waxyaabaha la kala iibsan karo waxaa ka mid ah guryaha, Baabuurta, qalabka Electronikada, Smart-phones, Buugaagta, qalabka xafiisyada iwm, asaaska suuqana waxaa nagu dhaliyey markii aan aragnay baahida shacabka Soomaaliyeed u qabaan” ayuu yiri C/fitaax, iyadoo dhinaca kale howlwadeenada suuqan cusub ay su’aalo uga jawaabeen ka qeyb galayaashii munaasabadan.

Maamulaha Shirkada Dahabshiil xarunteeda Muqdisho Xalane oo xafladan ka hadlay ayaa soo dhoweeyey talaabada lagu furay suuqan isagoo dhinaca kale ku taliyey in lagu kordhiyo qeyb lagu soo bandhigo wax soo saarka Soomaalida si dadka caalamka ku dhaqan ay ugu fududaato iney ku soo hirtaan.

Waxaa sidoo kale munaasabadan ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku-xigeenka ururka SOM-INDIA C/raxiin Shiikh, gudoomiyaha shirkada Mufakir Axmed Mufakir, masuul ka socday bankiga IBS oo lagu magacabo Muscab Cumar Cilmi, Maxamed Biyo-cabbe oo ka tirsan dilaalinta Muqdisho ugu waaweyn ee dhinaca guryaha iyo xubno kale oo dhamaantood soo dhoweeyey furitaanka suuqan oo ay sheegeen inuu ku soo aaday xili loo baahnaa, waxayna balan qaadeen iney talo, tusaale iyo taageero kaleba ka geysan doonaan taaba gelinta suuqan waxayna munaasabadan ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

Hirgelinta suuqan cusub ee dhinaca internetka wax looga kala iibsanayo ayaa ku soo aadeysa xili ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa dadka isticmaala internetka ee ku dhaqan Muqdisho iyo soomaaliya inteeda kaleba kuwaasoo fursado u heli doona iney alaabo kala duwan ku soo bandhigaan, isla markana ku kala iibsadaan.

suuq-2suuq-6suuq-5suuq-1suuq-7

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment