4386 Views

Dadkii ku dhaawacmay Gaalkacyo oo galabta la keenay Muqdisho.

Dadkii ku dhaawacmay Gaalkacyo oo galabta la keenay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 5 December 2015: Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Gaalkacyo ayaa galabta la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, kadib amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in labada dhinac dadkii ka dhaawacmay la geeyo Isbitaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in diyaarad laga dalbay magaalada Muqdisho, si dhaawacyada yaalla labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo looga.

“Saakay diyaarad ayaa ka dalabnay magaalada Muqdisho, waxaa rajeynayaa in dadkii ku dhaawacmay dagaaladii Gaalkacyo lagu qaado, oo xamar la geeyo, halkaas waxaa ku sugan Wasiirka Caafimaadka iyo howl wadeenada kale”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Isbitaalada ku yaall Gaalkacyo ayaa waxaa uu la ciir ciirayaa dhaawacyadii ugu badnaa abid, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyada la sheegay inay culus yihiin, kuwaasoo aan waxba looga qaban karin xarumaha caafimaadka Gaalkacyo.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in illaa afartan kun oo qoys ka barakacday colaadii Gaalkacyo, isla markaana in ka badan sodon ruux ku dhinteen dagaaladii dhowaan ka dhacay oo u dhaxeeyay maamulada Galmudug iyo Puntland.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment