3732 Views

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Shiina ah oo ku kulmay Johannesburg

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Shiina ah oo ku kulmay Johannesburg
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 5 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Johannesburg.

Kulankan oo taariikhiga ah, ayaa labada hoggaamiye waxay kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyo in si buuxda loo soo celiyo mashaariicdii horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Shiinaha uu ka wadey Soomaaliya.

Madaxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Soomaaliya si xawli ay yay uga soo kabaneysaa dhibaatooyinkii dagaalka sokeeye. Waxaan haatan u gudubnay marxalad cusub oo ah dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxaan doonayaa in Shiinaha iyo Soomaaliya ay dib u soo ceshtaan iskaashigooda taariikhiga ah, maalgashiga aan Soomaaliya u dooneynana ay Shiinaha qeyb ka noqdaan. Waxaan kuu xaqiijinayaa in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u soo dhoweyneyso maalgashiga Shiinaha, inagoo diyaar u ah inaan dhinacyo badan iska kaashano’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka muuqda ee Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada iyo dowlad dhisidda, waxaana uu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, lana joogo waqtigii la sii xoojin lahaa.

Hoggaamiyaha Shiinaha waxaa uu intaa ku darey in khubarro ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay daraasad ugu sameeyaan barnaamijyada ay labada dal iska kaashan karaan.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotey labada dal.

32

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdish

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment