3981 Views

Dowladda Shiinaha oo Khubara u soo direyso Soomaaliya

Dowladda Shiinaha oo Khubara u soo direyso Soomaaliya
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 6 December 2015: Warar ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa sheegayaa in Dowladda Shiinaha ay u soo dirayso Soomaaliya dad khubaro ah oo qiimeeyo baahida meelaha uu doonayo in Soomaaliya laga taageero, si dib loo soo celiyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daa’uud Aweys oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay in maalgeshi ay ku sameyso qaaradda Afrika, ayna ku tabarucday lacago fara badan.

“Dowladda Shiinaha waxa ay balan qaaday inay dib u soo celinayso iskaashigii uu lahaa dalka, isla markaana uu soo diri doono Soomaaliya quburo indho indheyn sameyn doono, waxa ayna bixin doonaan tababaro sare loogu qaadayo dadka xirfadda yaqaan, waxaana muuqata in Soomaaliya ay u baahantahay hirgelinta mashaariic badan dhaqaale ku baxaya, Shiinaha waxa uu balan qaaday in uu arrimaha Soomaaliya ka caawin doono”ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment