3498 Views

Baarlamaanka oo ka doodaya maanta sharciga Xudduudaha iyo kan iibka Hantida Qaranka

Baarlamaanka oo ka doodaya maanta sharciga Xudduudaha iyo kan iibka Hantida Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 7 December 2015: Golaha Baarlamaanka ayaa maanta kulan ku leh magaallada Muqdisho, ayaga oo ka doodaya laba hindise-Sharciyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo wareysi siiyay Radiyo Muqdisho ayaa sheegay in shirka goluhu uu ku saabsan yahay akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka Iibka Qaranka iyo waliba Shariga sugitaanka xudduudaha dalka oo maraya akhrintiisii koowaad.

“Waxaa akhrinta koowaad mari donna sharciga sugitaanka xuduudaha Soomaaliya iyo sidoo kale sharciga Iibka Qaranka oo akhrinta saddexaad mari doona” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar.

Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa golaha u gudbiyay mooshin ku saabsanaa darbi la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhisayso xudduudda uu la wadaago Soomaaliya, Mooshinkaas ayaa la soo jeediyay in sharci loo beddelo.

Wafdi ka kooban xukuumadda, Baarlamaanka iyo maamulka Jubbaland ayaa kormeer ku tagay xudduuda labada dal, gaar ahaan goobaha la sheegay in laga dhisayo darbiga oo ah agagaarka BeledXaawo, Wafdigaasi waxay soo saareen warbixin muujinaysa xaaladda ka jirta xudduudda.

Sharcigan sugitaanka xudduudaha Soomaaliya, ayaa haddii ay baarlamaanku ansixiyo noqon doona mid guud oo dalku ka yeelan doono ilaalinta xudduudaha uu leeyahay.

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment