4116 Views

Madaxweynaha oo la kulmay Wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya

____________________________________________________________________________

unnamed-3 (1)

Muqdisho, 7 December 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta garoonka diyaaradaga ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, David H. Kaeuper.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya, isal markaana iskaashi dhow u dhex mari lahaa labada dal.

Madaxweynaha D. F. ayaa danjiraha uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo wixi kale oo la isku afgarto.

Danjire Kaeuper, ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wadatashiyada dhinaca siyaasadda ee dalka ka socda ee ku qotoma arrimaha Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweyne Xasan iyo Danjiraha ayaa isku afgartey in Soomaaliya laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, si waddanka uu u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.

unnamed-5unnamed-4

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment