3135 Views

Madaxweynaha Puntland oo shacabka Gaalkacyo ugu baaqay in guryahooda ku soo laabtaan

Madaxweynaha Puntland oo shacabka Gaalkacyo ugu baaqay in guryahooda ku soo laabtaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 7 December 2015:Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali ayaa dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay ku soo laabtaan xaafadadooda, kaddib heshiis dhaqan galay oo laga gaaray colaadii Gaalkacyo.

Isagoo ka hadlayay magaalada Gaalkacyo ayuu Dr. Cabdiwali yiri “Qof gurigiisii ka barakacay ee meel cidlo ah oo geed hoostii ah uu ku dhibaateysan yahay, ciqaabteeda annaga oo masuuliyiin ah qeyb ayaan ku yeelanaynaa”.

Dr.Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay in ay dhammaatay xaaladdii colaadda ee magaallada, islamarkaana loo baahan in nabadda iyo horumarka la wada shaqeeyo.

“Marka dhibaatadu waa inay intaa ku ekaato dadkuna ay guryahooda ku soo laabtaan, noloshoodii caadiga ahayd ay dib ugu soo laabato magaallada, dadkeeduna dad ehel ah oo wada deggan oo wada ganacsada inay noqdaan ayaan rajaynayaa”.

Dagaal ay dad badani ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen ayaa magaallada Gaalkacyo ku dhex maray Puntland iyo Galmudug, wada-dahal dhex maray labada maamul oo ay dowladda iyo dhexe, maamul-goboleedyada kale iyo beesha caalamkuba ka qeyb galeen ayaa lagu soo afjaray khilaafkii magaalada, ayadoo labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ay ka shaqeynayaan hirgelinta heshiiskii laga gaaray colaaddaasi.

Dowlada kama hadlin weli arinti Gaalkacyo iyo dhibaatada ku dhacday dadki shacabka ahaa, sida laga yeelaayo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment