3873 Views

Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ku soo wajahan Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ku soo wajahan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 7 December 2015: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo ay wehliyaan Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa maanta ku soo wajahan magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka booqashada Mas’uuliyiintan ayaa salka ku haya ka qeyb galka shirka madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo shirkan lagu soo bandhigi doono doono fikrad uruurintii laga sameeyay gobolada dalka.

Shirarka looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadka 2016 ayaa hakad galay, kadib markii ay dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada ay ku mashquuleen xalinta dagaaladaas oo an la ogeeyn in u natiija dhali-doono.

Aragtida shacabka ee la xariira doorashada ka dhici doonto dalka ayaa ku kala qaybsan. Mamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay inay ku haboon tahay in lagu saleeyo hab deegaan, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed soo jeediyeen in lagu galo doorashada nidaamkii 4.5 kaasoo hadda dowladdu ku dhisan tahay.

Shirarka wada tashiga ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana looga arinsanayaa nooca doorasho ee dhici karta sanadka 2016, waxaana jira kala aragti duwanaansho Madaxda Maamul goboleedyada ee xubnaha ka ah Madasha wada tashiga qaran. Dhibaata ugu weyn ee Dowlada haysata ayaa waxa ay tahay, fikrada shisheeye ee lagu magacaabo Federal.

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment