5205 Views

Xarunta Xasaradaha! ( Gaalkacyo)

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 7, 2015 – Diinteenna  siday noo sheegtay, naftii ugu horeeysay ee si xaq darro ah loo dilo waxa ay aheyd naftii Haabiil, waxaa dilay walaalkii Qaabiil, kaddib markii ay is  qoonsadeen, ilaa qiyaami saaca,  nafkasta oo gardarro wax ku disho, danbigeeda  wax buu ku leeyahay Qaabiil.

Anigu ma fahmin meesha ayka xidideen,Qaabiil iyo dadka Somaalida,waa marka ay timaaddo in naf aan waxba galabsan la iska dilo.

Dagaalku waa Hadiyad Ilaahay si gaar ah ugu deeqay Ummadda Somaalida,waxauuna noqday meherad layska Hidda raacay, laga soo bilaabo abuuristii Qoyskii  Soomaalidu ka soo farcantay, ha ahaato, dagaal sokeeye, ama dagaal Xaq u dirir ah,labadaba Xariif ayeey ku yihiin dadka Soomaalidu.

Dagaallada ugu caansan ee galay Taariikhda Somaalidu ku faanto,waxaa ka mid ah:

  • Dagaalkii Axmed Gureey iyo Xabashida Itoobiya,Qarnigii 16aad,1528 -1543dii.
  • Dagaalkii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Gumeystihii Ingiriiska, 1899-1920kii.
  • Dagaalkii Shacabkii  koonfurta iyo Gumeystihii Talyaaniga 1890-1925tii.
  • Dagaalkii todaba iyo todobaatankii (77 ) ee dhaxmaray Somaaliya iyo Itoobiya,1977-1978dii.
  • Dagaalkii  Xulafadii Maxaakimta Islaamiga iyo Itoobiya,2006-2009kii.

Dagaalladaan dadka Somaalida,waxaa uga dhintay kumannan ruux,oo qiimo iyo qaaya wayn ugu fadhiyay, geesiyaal go’ay oo garawshiyo leh.

Dhanka kale Umadda Somaalida,waxa ay hiddo iyo dhaqan u leedahay Qabyaalad gaamurtay oo lafaha iyo dhuuxa ka gashay, waana yaryahay ruux ka caafimaad qabo,  Wadaad iyo Waranlaba, waxaan dhihi karaa dadka Somaalida Qabyaaladdu waxa ay u noqotay caqiido oo kale, ruuxa Soomaaliga ah meel uu joogaba waxaa wax kasta uga qiima badan, danaha reer Tolkiis, taas ayuuna wax kasta ka  hormarinayaa.  Qabiilka Somaalida waxa uu uga yimid dhanka Carabta, maxaayeelay Somaalidu  waxa ay taqaanay Tol ,laakiin booskii tolka waxaa  galay eray la macna ah,Qabiil: Qabiilku waxa uu isu badalaa Qabyaalad, balse Tolka isma badalo.

Qabyaaladda waxa ay keentay,in Dadka Somaalida ay la Darsaan,Dagaalo

Sokeeye,oo  galaaftay mood iyo noolba.

Abaanduule la oranjiray Cismaan Ilaawe Dhegajarco, oo saban hore dagaal galina-ayay reer Tolkiis ayaa ku maansooday:

Dar allaan ku noolaan jiriyo,duul la weeraro,e

Reerkayga waa uga dartaa,daawo nabadeede

Dawadaydu waa laba habaas,kobey ka duushaaye

Haddii aan dudumo yulug harsado ,dacas ma jiifeene;

Dagaaladii dhax mari jiray Somaalida,waxa ay ka curanjireen,waxyaabaha ay aadka u qiimeeyso sida:

Geela,Gabdhaha,Biyaha,Baadka, Beeraha  iwm,Somaalida maanta joogtana,waxaa intaa ugadheerarimo Siyaasadeed,balse Dadka ugu badan ee huriya Dagaalada

Sokeeye waa Beelaha Geeleyda,waxaana xaqiiqa ah,Wadanka waxa uu ka dagi la’yahayna waa ayaga.

Soomaalidu waa dad aan waxba ka aqoon, qiimaha uu qaran leeyahay , waxaana  taa daliil u ah,ma jirto hal maahmaah oo Af Somaali ah, oo tilmaamaysa Qaran

iyo waxa uu yahay,Waxaasa la heli karaa,boqollaal maahmaahood oo ku saabsan Tolka ama Qabiilka.

.

La soco Qaybta 2aad ee Maqaalka.

W\Q: Macalin Mukhtaar SH Cabdiraxmaan ( Macalin Dugsi)

E-mail: kumaatahay@hotmail.com Tel: 0027848459336

___________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment