3621 Views

Taliyaha Booliska Cabudwaaq oo La dilay.

Taliyaha Booliska Cabudwaaq oo La dilay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 8 December 2015:  Sida wararka nagu soo gaareen nin hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ku dilay Faarax Warsame Cimi oo ahaa taliyah booliska degmada Cabduwaaq ee gobolka Galguduud.

Wararka laga helayo degmada Cabduwaaq ayaaa sheegaya in qofka dilka gaystay u xafiiskiisa ugu galay taliyaha isla markaana uu toogtay. Sidoo kale ninkii wax dilay oo meyd ah ayaa laga helay isla xafiiska taliyaha sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaashu.

Ciidanka ayaa wada baaritaanno lagu ogaanayo in ninka dilay taliyaha uu is dilay isaguna ama in ay toogteen ilaalada xafiisku.

Qof goob joog aha,ayaa soo sheegay in baaritaanku uu wali socdo, isla markaana aanan wali la cadeyn in qofka wax dilay uu adeegsaday hub uu xafiiska ka helay iyo in isagoo hubeysan uu soo galay goobta.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment