6861 Views

Tartankii isboortiga ee Atlanta oo si qurux badan ku soo dhamaaday

Tartankii isboortiga ee Atlanta oo si qurux badan ku soo dhamaaday
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA | QOL | December 7, 2015 – Waxaa mar kale lagu qabtaya Magaaladda Atlanta Tartamo Isboorti ee Kubadda Cagta iyo Kubadda Koleyga, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed qiimo iyo qadarin ku leh, waxaana tartamadaasi sanadkani ay reebeen xusuus ma guurta ah oo balaalka taarikheed  geli doono, waxaana tartankani suurto geliyey khubaro ku xeel dheer Isboortiga ee ku nool Magaaladda Atlanta oo abaabulka Isboortiga u soo dhabar adeegay ku dhawaad 20 sano, isla markaana garab iyo gaashaanba ka helay dadweynaha ku nool Magaaladda Atlanta oo manta gartay dulucda u leeyahay Isboortiga iyo doorka uu ku leeyahay dhalaanka soo koraayo oo runtii kala dagaalamo waxyaabaha waxyeeleen kara mustaqbalkooda,waxaayna taa ka mid tahay siyaasadda Isboortiga oo uu guddiga Isboortiga uu ku taamaayey iyo ahmiyadda uu ugu mintidaday abaabulka Isboortiga, waxaana Guddiga Isboortiga ka go’an in uu labanlaabo dadaalka lagu xoojinaayo horumarinta Isboortiga inta laga gaaraayo hadafka la tiigsanaayo.

ofiicial-sponsors
Waxaana sanadkaan ka soo qeyb galay Kooxo ka kala socda Gobolada
  • OHIO
  • MINEAPOLIS
  • NORTH CAROLIN
  • WASHIGTON DC
  • WASHIGTON SEATTLE
  • WAFDI KA SOCDAY KENTUKY OO UU HOGAAMINAAYEY GUDOOMIYAHA ISBOORTIGA EE KENTUKY MUDANE XAMZA
  • KOOXO KA SOCDAY MAGAALADDA ATLANTA
  • SIDOO KALE WAXA KA SOO QEYB GALAY FANAANKA WEYN EE MAXAMED MACLOW IYO QAAR KALE.
Shaqsiyaadka xurmadda ku leh ee sanadkaan ka soo qeyb galay waxay kala ahaayeen:
  1. Ibraahin Suudaani
  2. Maxamed Xasan Qolof
  3. Macalin Qariidi
  4. Cabdicasiis Giftin
  5. Cabdi Yuusuf
  6. Tababare Shiikha
  7. Axmed Daahir
  8. Maxamuud Ciise
  9. Cabdulqaadir Madaxey
  10. Cabdirisaaq Ugaas
  11. Marshaale
  12. Aamaan
  13. Nuuneatlanta-10
  14. Marwo Geni
  15. Cali Dhagey
  16. Abuukar Shiino
  17. Faarax Oday
  18. Maxamed Muslimiin
  19. Xasan Abati
  20. Marwo Maana
  21. Marwo Mulki
  22. Safiyo Cadeey
  23. Axmed Wali
  24. Cabdulaahi Africano
  25. Del Piero
  26. Maxamed Sulub Eega
  27. Cabdulaahi Amiigo
  28. Gudoomiye Nuuradiin
  29. Khaliif Riiko
  30. Inj. Caraale
  31. Soomaaliyow
  32. Abukar Shaash
  33. Siidow
  34. Mustaf Daahir
  35. Yahye
  36. Jaamac Bahal
  37. Sharmarke
  38. Cali Carab
  39. Cabdulqaadir Chicken
  40. Soleemaan
  41. Naasir Witig
  42. Saciid Wacaf.
 atlanta-5
Tartamada oo lagu kala helaayey abaalgudyo ayaa waxa Kaalinta Koowaad ee Kubadda Cagta Ciyaaryahanadda waaweyn waxa sanadkaan si xarago leh uGu guuleystaya Kooxdii ka socotay Magaaladda SHARLOOT ee Gobolka North Carooliina oo uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Isboortiga ee Gobolkaasi Mudane Cali Dhageey oo aan runtii halkaa uga direyno hambalyo aan la koobi Karin oo ay ku kasbadeen dadaalkii ay muujiyeen,waxaana aan u rajeyneynaa in ay halkaa ka sii wadaan,dhanka Ciyaartoyda soo koreysa waxay wada muujiyeen Ciyaaro dadweynihii ka soo qeyb galay ay u khushuuceen,waxaana uu guddiga ku abaalmariyey Koobab si loo muujiyo sida raali looga yahay Ciyaartii ay Muujiyeen,waxaana si gaar ah halkaan Hambalyo iyo bogaadin uga jeedineynaa Tababare CAYDIID iyo Tababare  CABDIQANI oo la soo shirtagay koox mustaqbalka wax weyn u tari doonta Magaaladda Atlanta,waxa iyana in laga hadlo mudan in Kooxdii Kubadda Koleyga ee ku ciyaareysay Magaca Atlanta in ay Koobkii ay ku hanatay si xarago leh oo ay ku kasbadeen in manta ixtiraan weyn looga hayo Magaaladda Atlanta sidii ay u kor uga qaadeen magaca Magaaladaan Atlanta oo ah hoy Isboortiga Goboladda Hormuud u ah.
atlanta-12
Ugu dambeyntii iyo gabagabeyntii tartanka ayaa waxa halkaa warbin ka jeediyey Xoghayaha Guddiga Isboortiga ee Atlanta Mudane Caydiid Jeenyo isagoo ka soo warbixiyey dadaalkii loo galay abaabulka Tartankaani oo aan loo kala harin waxaana farxad ah in uu manta gaaray halkii aanu ahamineynay,waana wadi doonaa dadaalka aanu ugu jirno inta aan ka gaareyno barta aanu tiigsaneyno,waxa kale halkaa ka hadlay Madaxa Farsamadda ee Guddiga Isboortiga ee Atlanta Mudane Jaamac Cali(Jaamacey) oo ka warbixiyey sida uu guddiga Isboortiga sanadkaan uu uga soo dhalaalay shaqadii uu u xilsaarnaa isagoo cadeeyey in dhaliyaradda Guddiga Farsamadda ay muujiyeen dadaal runtii uu Isboortiga Atlanta u aayi doono.
atlanta-11
Ugu dambeyntii waxa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali oo marka hore amaan aan la koobi Karin u jeediyey Xawaaladaha AMAL USA INC. oo sanadkaan qeyb aad iyo aad u weyn ka qaatay hirgelinta Isboortiga ee Atlanta,waxaana aanu ka rajeyneynaa in ay halkooda ka sii wadaan dadaalkaa lagu kobcinaayo isboortiga Atlanta.sida Gudoomiyaha Dr. Cali Cusmaan waxa uu amaan taa la mid ah u jeediyey Xawaaladda Dahabshiil oo ay caadi u noqotay in sanad kastaba ay ka qeyb galaan hirgelinta Isboortiga ee Atlanta,anigoo ka codsanayo in ay halkaa ka sii wadaan taakuleynta ay noo fidiyeen,waxa Gudoomiyaha Dr. Cali Amaan aan la koobi Karin u jeediyey Guddigii Farsamadda ee Tartankii oo runtii muujiyey dadaal taarikhda geli doona,waxa kaloo halkaan aan amaan iyo bogaadin aan halkaa uga soo jeedinayaa Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Isboortiga Mudane AWEYS MUSE ARBOW oo kaalintii uu ka qaatay noqoneysa mid lagu keydiiyo balaasha taarkhda isboortiga ee Atlanta isagoo muujiyey daacadnimo iyo dadaal dheeri ah oo runtii daboolay shaqooyin badan oo la mahdiyey,sidoo kale Amaan ballaaran waxaan u jeedineynaa SAGAL RADIO oo naga daboolay dhanka dacaayadaha.
atlanta-9
Waxaana Tartankaasi soo gabagabeeyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-America Mudane . Cumar Sheekhey,oo dhamaan ka soo qeyb galayaasha ugu mahad celiyey ka soo qeyb galka tartankani,waxaana uu u rajeeyey Safar raaco leh in ay ku tagaan meelihii ay ka yimideen,isagoo ka codsaday in sanadada soo socdo ay sidaan oo kale uga qeyb geli doonaan,waxaana amaan gaar ah u jeedinayaa Guddiga Isboortiga ee Atlanta iyo dadweynaha reer Atlanta sidii qiimaha laheyd oo ay u soo dhaweeyeen martiga,waxaana Gudoomiyaha Jaaliyadda uu ku dhawaaqay .
TARTANKII WAA UU XIRANYAHAY.
atlanta-8
atlanta-7
atlanta-6
atlanta-4atlanta-3
atlanta-2 atlanta-1
.
.
.
_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment