3522 Views

Xildhibaannada Koofur-Galbeed oo maanta la dhaariyay

Xildhibaannada Koofur-Galbeed oo maanta la dhaariyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 8 December 2015:  Golaha Baarlamaanka ee Koofur-Galbeed ayaa maanta lagu dhaariyay magaallada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayadoo ay munaasabadda dhaarinta ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Koofur-Galbeed.

Xildhibaano gaaraya 89 mudane ayaa la dhaariyay maanta, Waxaa wali dhimman xildhibaano kale oo dib laga dhaarin doono, Dastuurka Koofur wuxuu qorayaa in tirada xildhibaannada maamulku ay noqonayaan 95 mudane.

Odayaasha dhaqanka ee gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayaa soo gudbiyay liiska xildhibaannadan maanta la dhaariyay.

Wixi war ah ee nagu soo hordho dib ayan idinkaga sheegi-doonaa

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment