4977 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

Ra’iisul Wasaaraha oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 9 December 2015: Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, xaflad lagu daah furey xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyadoo Wasaaraddu si rasmi ah kula soo wareegtay xog farsamo oo la xiriirta baarista shidaal oo ay aruurisay Soma Oil & Gas.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa xariga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, isagoo soo dhoweeyay xog uruurinta ay sameysay Shirkadda Soma Oil & Gas ka sameysay Badweynta Hindiya oo manta ay ku soo wareejisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Shirkadda Soma Oil & Gas, oo wasaaradda ku wareejiyay macluumaadka xogta sahmintii ay ka sameeyeen Badweynta Hindiya.

Xarunta cusub ee Wasaaradda ayaa waxay u dhowdahay Baarlamaankii hore ee Soomaaliya ee sanadihii 60-dameeyadii.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Wasaaradda waxa ay ku shaqeyn jirtey dhismaha Wasaaradda Waxbarashada, waxaana markii ugu horeysay muddo 25 sano Wasaaradda awoodii doontaa in ay hesho xarun iyada u gaar ah.

Dhismahan ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa qeybta sheybaradda, qeybta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xogta la sameeyay la soo bandhigi doono, si shirkadaha maalgashiga ay tartan ugu galaan, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in laga faa’ideysto kheyraadka dalka.

Shirkadda Soma Oil & Gaas ayaa dowladda Federaalka ku wareejisay xog macluumaad shidaal oo ay ka soo uruurisay qeyb ka mid ah badda fog ee Soomaaliya, Xogta la soo wareejiyay waxa ay ka dhalatay xog uruurintii la sameeyay 2014 taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soma Oil & Gas.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka hadlayay daah furka xarunta cusub ee Wasaaradda iyo la soo wareegida xog uruurinta shirkadda Soma Oil & Gas ayaa sheegay inay tahay horumar ay sameysay Wasaaradda.

“Daah furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda waa aqbaar fiican gaar ahaan xilii dowladda culey ka haysto dib u dhiska hay’adaha qaranka, Dhismahani waxa uu yeelanayaa Qolka Keeydka Xogta (Data Room) taasoo muhiim u ah horumarinta baarista shidaalka Soomaliyeed, Haddii la rabo in ay Soomaaliya soo saarto shidaal, horumar dhaqaalana gaarto”ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in marka hore ay muhiim tahay in la uruuriyo xog, isla markaana la diyaariyo aqoonyahanno Soomaliyeed of fahmi kara xogtaas sida uu yir.

“Qolka Keeydka Xogta” waxa lagu xafidayaa macluumadka ahmiyadda gaarka u leh Wasaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo ciddi iskaashi ganacsi-wadaag la leh, waxaana xogtaan laga iibinayaa dadka danaynaya in ay Soomaaliya maalgashadaan”ayuu yiri Wasiirka.

Kaalmada dhaqaale oo ay Soma Oil & Gas ka geysatay sameynta Qolka Keydka Xogta iyo wada shaqeynta sookeye ee ka dhaxeeysa Spectrum, oo suuq geyneeysa xogta, iyo Wasaaradda waxa ay muujinaysaa faa’idda wada shaqeynta leedahay. Waxaan ku qanacsanahay in xogtani muujin doonto fursadaha fiican ee ka jira “badda fog” (Offshore) ee Soomaaliya.”

Qolka Keeydka Xogta waxaa la dhigi doonaa:

  1. Xogta oo wali sideeda ah oo aan la fasirin (Raw data);
  2. Xogta oo laga baraandagey (Processed data);
  3. Xogta la turjumay (Interpreted data);
  4. Xogta laga keenay midda laga baraandageey iyo midda la turjumay (Derivative data from processed and interpreted data);
  5. Xogaha hore ee ay Soma Oil & Gas ka soo heshay meelo kale sii eey uu fahamto jiyoolojiyadda Soomaaliya.

Helida xog dhameestiran waa qeeb ka mid ah qorshaha guud ee lagu horumarinaayo baarista shidaalka Soomaaliya. Waxybaaha kale ee ay Wasaaraddu wado waxaa ka mid ah sidii Soomaalida u yeelan lahayeen aragti mideysan oo ku aadan ka faa’idaysiga arimaha shidaalka, diyaarinta sharuucda iyo heshiiska wadaaga waxsoosaarka, sameynta Shirkada Shidaalka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nidaaminta Shidaalka.

xarig-jar-4xarig-jar-1xarig-jar-3xarig-jar-2

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment