5184 Views

Shirka Idaacadaha jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya dalka Tunisia

Shirka Idaacadaha jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya dalka Tunisia
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 9 December 2015: Agaasimaha Radio Muqdisho, Mudane C/raxiin Ciise Caddo oo hogaaminaayo wafdiga ka socda Idaacadda Dowladda ee u matalaya Shirka Idaacadaha Jaamacadda Carabta ee maanta ka furmaya dalka  Tunisia.

Shirkaan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa dhinaca kala ah shirkii 35aad ee golaha midowga idaacadda Jaamacadda Carabta,

Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa sheegay in mudda dheer oo ay shirkaan Somalia ka maqnayd lagu guulaystay in dib loo soo celiyo islamarkaana uu u matalo maanta Radio Muqdisho ka qaybgal ka shirarka nuucan oo kala ah.

Agaasime C/raxiin Ciise Caddow oo markii tagay wadankaasi kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday qaar ka mid ah Madaxda Idaacadaha iyo TVyada Jaamacadda Carabta ee shirka ka qaybgalay,

Waxaana uu si gaar ah u xusay Agaasimaha Raadiyaha iyo Tv ga Dalka Sa’uudiga, kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha quseeya labada Mas’uul.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/Raxiim ayaa tilmaamay in xubnihii uu la kulmay uu kala haddlay Mowjadihii uu Radio Muqdisho lahaa kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah ay wali hayaan,

Waxa kale oo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in Radio Muqdisho ay ugu deeqaan Mowjado Raadiyaha u suurtagalinaayo in dunida si isku mid ah looga dhagaysto, lana balaariyo adeegyada uu Umadda Soomaaliyeed siiyo.

Wareeysiga Agaasimaha Radio Muqdisho, C/raxiim Ciise Cadow, halkaan ka dhegeeyso

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment