4242 Views

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la gashay Bangiga Hormarinta Afrika

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la gashay Bangiga Hormarinta Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 9 December 2015: Wasiir kuxigeenka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Jamaal Xasan Ismaaciil oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi iyo saraakiil ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha  ayaa magaalada Nairobi heshiis kula saxiixdey bangiga Hormarinta Afrika.

Heshiiskan oo an kor ku xusnay ayaa wasaaraddu la gashay Bangiga hormarinta Afrika ayaa kusaabsan sidii ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu kor ugu qaadi lahayd awooddeeda farsamo isla markaana u hormarin laheyd adeegga Isgaarsiint guud ahaan dalka oo dhan.

Is afgaradkaan oo uu dhanka wasaaradda u saxiixay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa  ku kacaya adduun dhan $139 Milyan  oo ah caawimaad uu bangiga hormarinta Afrika ku tala jiro in lagu caawiyo dawladda Soomaaliya sidii ay isku filaansho uga gaari lahayd dhanka isgaarsiinta.

Mr. Nicholos Williams oo ah Madaxa Hormarinta Isgaarsiinta ee bangiga Hormarinta Afrika  oo u saxiixay heshiiska dhanka Bangiga, ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay iney dawladda Soomaaliya ka caawiyaan hormarinta dhanka Isgaarsiinta waxuuna sheegey in kaalmadan ay qayb ka tahay mashaariicda uu bangigu ugu tala galay waddamada Afrika gaar ahaan kuwa ksoo kabanaya dhibaatooyinka.

Heshiiskan dhexmaray dhax maray labada dhinac, ayaa xoogga saari doona sidii ay wasaaraddu u heli lahayd qalab casri ah oo ay wasaaraddu ku maamusho kulana socoto Isgaarsiinta dalka, Kobcinta awoodda wasaradda, dhisitaanka hay’adda Isgaarsiinta iyo gaarsiinta adeegga Internet-ka dhamaan dawlad goboleedyada dalka.

Sanadka 2016 ayay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ku tala jirtaa iney ku talaabsato qorshe balaaran oo waxbadan kusoo kordhin doona Isgaarsiinta dalka iyadoo xeerkii Isgaarsiintuna horyaallo baarlamaanka laguna wado in la meelmariyo si ay wasaaraddu u gaarto himilooyinkeeda .

Wasaaradda oo wadda dadaallo badan ayaa 13-ka Bishan December shir ugu yeertay dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta si ay ugu gudbiso qorshaha wasaaradda ee sanadka 2016.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment