3654 Views

Wasiirka difaaca oo ka hadlay horjooge ajnabi ah oo isu soo dhiibay ciidanka XDS

Wasiirka difaaca oo ka hadlay horjooge ajnabi ah oo isu soo dhiibay ciidanka XDS
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 9 December 2015: Wasiirka difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay Warbaahinta ku faah faahiyay in nin u dhashay dalka Mareykanka, kana tirsanaa argagixisada Al-Shabaab uu u isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ajnabigan isu soo dhiibay gacanta ciidamada dowladda ayaa lagu magacaabaaa Cabdimaalik John, kaasi oo ka mid ahaa horjoogayaasha sar sare e Al-Shabaab oo muddo afar sano ah uu la joogay kooxdaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay ciidanka xoogga dalka ee badbaadiyay ajnabiga isu soo dhiibay, waxaana uu xusay in dadka kale ee ay qaldeen Shabaabku heystaan fursad ay gacanta dowladda isugu soo dhiibi karaan.

“6-da bishan ayuu ciidamada isu soo dhiibay, waxa uu ka yimid dalka Mareykanka, muddo afar sano ayuu Shabaabka ka tirsanaa, waxa uu sheegtay in uu ka qeyb galay weeraro kooxaha Shabaabku ay ka fuliyeen dalka, waxaana la keenay Muqdisho”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Shabaabku ay ku kala qeybsadeen fikirka xagjirka ah ee ay ku doonayeen inay ku marin habaabiyaan bulshada, ayna iminka kala sheegtaan inay u kala qeyb sameen ISIS iyo Al-qaacidda, waxaana uu baaq u diray dhallinyarada ay marin habaabiyeen in ay isaga baxaan fikirka qaldan ee ay dadka ku marin habaabinayaan.

“Dowladda waxa ay soo dhaweyneysa qofkasta oo ka waantooba fikirka qaldan ee dhagar qabayaasha Al-Shabaab, marka waxaan ugu baaqayaa inay markale ka faa’iideystaan cafiska ah inay isaga soo tegaan kooxda Shabaab, oo ay ka tanaasulaan dhibaateynta shacabkooda” ayuu yiri Wasiir Diini.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment