5748 Views

“Soomaaliya halkan waxaa dhigay siyaasad xumo, hadaan siyaasada la hagaajin….

“Soomaaliya halkan waxaa dhigay siyaasad xumo, hadaan siyaasada la hagaajin….
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 10 December 2015: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in bur burkii dalka uu sabab u ahaa siyaasad xumo, isagoo ka dhawaajiyay inay salka u dhigi doonaan nidaam iyo dhaqan dowladnimo, si berri madaxda ka dambeeya ay miraheeda u gurtaan.

“Nooca iyo dhaqanka dowladnimo aan abuurno waaye midka ay berri Soomaaliya u aayi doonto, waxaan rabnaa nidaam iyo dhaqan dowladnimo oo qurux badan oo wanaagsan abuurkiisa inaan maanta ku ridno dhulka, si mirihiisa kuwa naga dambeeya ee beri imaan doona ay u gurtaan”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waqtiga ugu badan ee ay geliyaan kulamada wada tashiga siyaasada uu yahay sidii ay siyaasada u hagaagin lahaayeen.

“Siyaasada wax walba wey dhibtaa, hadii siyaasada inaan ku mashquulno oo aan waqtiga inta badan aan gelino la arko, waxaa rabnaa in naloo cudur daaro, waxaa aaminsanahay siyaasada hadaanay hagaagin wax kaloo dhan ma hagaagayaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligii bur burka uu dhacayay uu dalku lahaa Ciidan gaarayay labo boqol oo kun, taangiyo, hub iyo diyaarado dagaal, waxaana uu xusay in bur burkaas uu sabab u ahaa siyaasad xumo.

“Dallaam waxaa halkan dhigay waa siyaasad xumo, ciidan la’aan ma ahan maalintii bur burka uu dhacayay 200 kun ciidan ayaa laheyn oo taangiyadooda, gantaaladooda iyo diyaaradahooda dagaal u dhamaan, wax walbana waxaa lagu celin karaa siyaasada oo la hagaajiyo, waana sababta aan siyaasada xooga u gelineyno, wada tashigana aan wadno oo ah sidii siyaasada loo hagaajin lahaa”ayuu mar kale yiri.

Dowladda Federaalka ayaa la filayay sanadka 2016 inay gaarsiiso doorasho qof iyo cod, hase ahaatee is qab qabsi siyaasadeed oo hareeyay, iyo waxyaabihii laga rabay inay fuliso ka hor 2016 ayaa sabab u noqday inay suura geli waayeen doorasho qof iyo cod, waxaana lagu wadaa in kulamada wada tashiga socda laga soo saaro nooc doorasho oo dalka ka dhaca sanadka soo socda 2016ka.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment