3300 Views

War Saxafadeed Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya

War Saxafadeed Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 10 December 2015: Maanta oo ay ku aadan tahay munaasabadda maalinta caalamiga ee xuska Xaquuqul Insaanka, ayaa Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya , oo ka kooban Midowga Yurub , dalalka xubnaha ka ah , Norway , Switzerland iyo Maraykanka , waxay amaanayaan doorka Dowladda Federaalka ah ay ka qaadatay la shaqeynta Ururadda Caalamiga ah ee Xaquuqul Insanka , sida ka qayb -galka firfircoon ee barnaamijka Universal Periodic Review (UPR) loo yaqaano iyo sidoo kale marti gelinta Khabiirka Madaxabannaan ee Xaaladda Xuquuqda Insaanka ka jira Soomaaliya iyo Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xuquuqda Aadanaha. Geedi socodka loo yaqaano UPR iyo ansixinta Qorshaha Xuquuqda Aadanaha waa guulo muhim u ah wax ka qabashada qaar ka mid ah caqabadaha ugu muhiimsan ee soo food saartay Soomaaliya

Halkudhega Sanadkan ee Maalinta Xuquuqda Aadanaha waa “Xuqquqdeena, Xoriyadeena”, wuxuu ina xasuusinaysa afarta xorriyaadood ugu muhiimsan Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqda oo kala aha: Xorriyadda hadalka , Xorriyadda cibaadada , Xoriyadda Baahida, iyo Xoriyadda cabsida. Xoriyadda cabsida ayaa ina xusuusinaya baahidda amni , xadgudubka sharciga iyo in ay dadku dareeman xuquuqdooda asaasiga ah.

In kasta oo guulo badan ay Soomaaliya ka gaadhay dhinaca nabadda iyo amniga , Dhimashada dadka rayidka mar walba uu hawlgal military jiro , ayaa ah mid walaac weyn keeneysa, Xayndaabka sharciga joogtada ah iyo dilka la banaystay, iyo xarigga dad rayid ah oo ay fuliyaan maxkamado milateri iyo weliba falalka xadgudubka galmada ayaan aad uga walaacsannahay. Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya ka howlgela oo ay ka mid yihin Ciidamada Milateriga ah ee Soomaaliya, AMISOM iyo ciidamada kale ee shisheeye inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah si looga hortago xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada inta lagu jiro hawlgallada milateriga ah oo iminka ka socda Soomaaliya.

“Horumarka wanaagsan ee siyaasadeed laga gaaray Soomaaliya waa in mid la mid ah lala imaada oo xambaarsan go’anno adag sidii loo xoojin lahaa arrimaha xuquuqul insaanka. Tallaaboyinka la qaadi karo waxaa ka mid in la aqoonsado dambiyada kooxaha kala duwan gaystan iyo in la qaado talaabooyin lagu xoojinayo maamul wanaaga,” Sas waxaa yiri laba Guddoon ee Guddiga Xaquuqul Insaanka Soomaaliya, Mikael Lindvall, Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo Mette Knudsen, Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment