4194 Views

Xeer Ilaaliyaha Guud e Qaranka oo ku baaqay in lala dagaalamo Musuqmaasuqa

Xeer Ilaaliyaha Guud e Qaranka oo ku baaqay in lala dagaalamo Musuqmaasuqa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 December 2015: Mudane Axmed Cali Daahir, oo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaran, ayaa ugu baaqay dhamaan Hay`adaha Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed in la la  dagaalamo Musuqmaasuga  ragaadiyey Soomaaliya,taasoo uu sheegay in isbadelo jiri doonaan ,waqtiguna uusan ku sii jiri doonnin marxaladaha haatan jira.

Dr.Axmed Cali Daahiryaa waxaa kaloo uu sheegay in ay la xisaabtan uu jiri doona, qof kastaa waxa uu geystey lagula xisaabtami doono,waxa laga yaabaa daruufaha , waqtiga,imkaaniyaadka,xiliyada iyo goobta in ay u saamixi waayaan la xisaabtan ama talaabo sharci in laga qaado shaqsihii ama hayadaii musuqmaasuqa ka dhacey.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in muhiimadu tahey in baaritaan la sameeyo. ,baaritaan ka dib sharciga la horkeeni doono,hadii an maanta la keeni waayo,berri ayaa la keeni doonaa ama waqti kale,isagoo sheegay in hay`adaha ay taxadir Sameeyaan.

Xeer ilaaliyaha ayaa hay`adaha ka codsadey in ay ku dadaalaan isla markaana ilaaliyaan sharciga ,kuna dhaqmaan, wax walibana waxaa ay ku qoran yihiin sharciga e ha la dhowro. Ayuu yiri Dr.Axmed Cali Daahir.

Ugu danbeynti, Xeer ilaaliyaha ayaa ka hadlay in ay waayadan danbe ay soo badanayaan boobka iyo dhaca dhulka hayadaha dawladda iyo kuwa shacab,isagoo dhanka kale xusay in ay jiraan dad sidi ay doonaan ka yeelaan dhulalkaasi Hay`adaha Dawlada ,kuna tagri falaan dhulalka,guryaha iyo hantidii dawladda ay leedahy.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment