6036 Views

Tababbar ku saabsan horumarinta afka Soomaaliga oo loo qabtay arday

Tababbar ku saabsan horumarinta afka Soomaaliga oo loo qabtay arday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 11 December 2015: Xildhibaan Maryan Cariif ayaa maanta daah furtay tababbar ku saabsan tayaynta hal abuurka ku qoran afka hooyo oo loo qabtay arday ka kala socotay dugsiyada sare ee dalka, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabad lagu daah furayay tababbarka la xiriira tayaynta hal abuurka ku qoran Afka hooyo iyo turxaan bixinta adeegsiga Af-Soomaaliga oo ay soo qaban qaabiyeen Akadeemiye goboleedka Af Soomaaliya ee marka magacooda loo soo gaabiyo loo yaqaan AGA, ayaa waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno, qoraayaal Soomaaliyeed, macalimiin, arday ka kala socotay dugsiyada sare ee Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Cabdi Xaaji Goob doon oo ka mid ah mas’uuliyiinta akadeemiye goboleedka Af-Soomaaliya, isla markaana ah rugcaddaa saxaafadeed ayaa xusay in qorisa afka Hooyo laga soo maray dhibaatooyin badan, waxaana uu intaa ku daray in akadeemiye goboleedka ay u taagantahay kobcinta af Soomaaliga.

“Madaxweynuhu waxa uu horey ugu baaqay in la horumariyo afka hooyo, laakiin arrintaasi waxaa fuliyay booliska iyo militeriga, marka hay’adaha kale ee dowladda waxaan ka codsaneynaa inay ka qeyb qaataan horumarinta afka hooyo” ayuu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon.

Guddoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga ee AGA Dr Maxamed Daahir Afrax oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa ardayda ku bogaadiyay inay ka qeyb qaataan horumarinta afka hooyo, ayna u taaganyihiin in da’yarta laga dhiso hal abuurka iyo qoraalkooda afka hooyo.

“Waxaan idinla socodsiinayaa in da’yarta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan gacan ka geysaneynaa kobcinta aqoontooda iyo afka hooyo, si loo horumariyo afka hooyo, akadeemiye goboleedka waxa ay u taagantahay horumarinta Afka hooyo” ayuu yiri Dr Maxamed.

Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee Baarlamaanka, isla markaana ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo daah furtay tababbaro taxane ah oo loo qabanayo ardayda dugsiyada sare wax ka dhigta ayaa kula dar daarantay in sheekooyinka ay qorayaan ay ku saleeyaan wadan jaceyl, isla markaana waxyaabaha ay qorayaan ay noqoto mid dhanka wanaaga ah ee lagu jiheynayo bulshada.

“Qoraa waa hal abuur, waa hibo uu Alle idinsiiyay, ee ka faa’iideysta bulshada ugu faa’iideeya, qoraa waa macalin ee u horseeda bulshada horumarka dalka” ayay tiri Xildhibaan Maryan Cariif.

Akadeemiye goboleedka Af-Soomaaliga oo ay ku mideysanyihin bulshada ku nool dalalka Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa ah mid loogu talagalay in lagu horumariyo afka hooyo, taasi oo ka dhigan in Afkaaga hooyo uu yahay udub dhexaadka awoodaada iyo aayahaaga dambe.

User comments

SONY DSC
SONY DSC

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment