4797 Views

Xaruntii Ex Baarlamaan oo lagu wareejiyay Milkiilaha Telefishinka Universal.

Xaruntii Ex Baarlamaan oo lagu wareejiyay Milkiilaha Telefishinka Universal.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 11 December 2015: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Milkiilaha Telefishinka Universal ku wareejiyay xarunta Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere ninka lagu magacaabo Axmadeey Abubakar oo ah milkiilaha Trlevishinka Universal.

Xarunta Ex Baarlamaan ayaa loo bedeli doonaa meel loo dalxiis tago, isla markaana lagu beeri doono ubax iyo jardiinooyin, iyadoo muddo ay bur bursaneyd xaruntan.

Eng, Axmadeey Abuubakar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xaruntan lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ka dhigi doonaan goob loo soo dalxiis tago.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in xarunta Ex Baarlamaan ay noqon doonto meel loo soo dalxiis tago, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo Madaxda Telefishinka Universal.

“Waxay noo tahay farxad anigoo dareenkeyga aanan cabiri karin maxaa yeelay Ex baarlamaan shalay sidee aheyd aan ognahay, maanta sida ay dhanato iyo berri ay rajeyneyno inay noqoto meel loo dalxiis tagi doono, cida suura geli laheyd garabkeyga ay taagan tahay, telefishinka Universal iyo kooxdiisa waxaa ka codsaday Ex baarlamaan maadaama meel taariikhi ay tahay daljirka dahsoon dadka u soo dalxiis tagayaan ku dhow tahay, inay noqoto meel loo soo daxiis tago ardayda soomaaliyeed wax ku akhristaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Ganacsato Soomaaliyeed ku wareejiyay jardiinada ku yaala magaalada iyo goobo kale, kuwaasoo laga dhigay meelo loo soo dalxiis tago, inkastoo wareejintaas dhaliilo loo soo jeediyay.

Hase ahaatee tallaabadan uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu wareejiyay Madaxda Telefishinka Universal xarunta Ex Baarlamaan ayaa la ogeyn inuu qeyla dhaan ka imaan doono iyo in kale, lamana oga inuu arrintan fasax kaga qaatay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeeyay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu xarun dowladeed ku wareejiyo, tan iyo markii bishii October loo magacaabay xilkan.

jardiino-4

jardiino-5

jardiino-6

jardiino-1

jardiino-7

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment