4248 Views

Baarlamaanka oo ka hor-yimid tallaabadii Guddoomiyaha G/Banaadir ku wareejiyay Ex Baarlamaan

Baarlamaanka oo ka hor-yimid tallaabadii Guddoomiyaha G/Banaadir ku wareejiyay Ex Baarlamaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 December 2015: Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay tallaabadii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ku wareejiyay Xaruntii Ex Baarlamaan, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah.

Kulan xildhibaanada Baarlamaanka uu iminka ku leeyahay xarunta Golaha shacabka ayaa lagu soo hadal qaaday wareejintii Guddoomiyaha Gobolka ku wareejiyay xaruntii Ex Baarlamaan, taasoo lagu wareejiyay Milkiilaha Telefishinka Universal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Yuusuf Xuseen ayaa fagaare ka sheegay inay ku wareejiyeen Xarunta Ex Baarlamaan Milkiliilaha Universal iyo kooxdiisa, si ay meel loo soo dalxiis tago uga dhigaan

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin, isla markaana go’aan ka qaadanayaan tallaabada Ganacsato loogu wareejiyay Ex Baarlamaan, isla markaana lagu balansanaa in xarunta dib u dayactir lagu sameeyo

Inkastoo wali kulanka uu socdo ayaa laga yaabaa, isla markaana Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka hadlayaan arrintan ayaa laga yaabaa in Guddoonka Baarlamaanka u saaro Guddi.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Guddoonka looga baahan yahay inuu cadeeyo cida xaqa u leh inay bixiso dhulkii Ex Baarlamaan, isla markaana ay sharci darro tahay in la bixi, waxaana uu dalbaday in Guddi loo saaro oo daba gala arrintaas, isagoo ku baaqay in qaraar laga soo saaro.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in maalinta berri Guddoonka iyo Guddiga Maaliyada ay go’aan ka soo saari doonaan arrintaas, isla go’aan ka soo saari doonaan.

Labo sano ka hor ayay aheyd markii Guddiyada joogtada baarlamaanka ay soo bandhigeen nashqad muujineysay in dib u dayactir lagu sameeyo xarunta Ex Baarlamaan, lama oga halka uu qorshahaas ku dambeeyay, iyadoo uu jiray mashruuc dayactir loogu sameyn lahaa xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay maal geli laheyd Dowlada Imaaraadka Carabta.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment