3774 Views

Baarlamaanka oo u codeynaya sharciga Iibka qandaraasyada Qaranka

____________________________________________________________________________

BAARLAMAANKA-620x264 (2)

Muqdisho, 12 December 2015: Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeynaya sharciga Iibka Qaranka, iyada oo aqrinta labaad la marin doono  sharciga Maxkamadda Dastuuriga.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud habdhawraha baarlamaanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ajandaha koowaad ee shirka baarlamaanka ee maanta uu yahay meel marinta sharciga Iibka Qaranka, iyadoo ay jiraan labo hindise sharciyeed kale oo isla maanta baarlamaanka horyaala.

“Maanta waxa jirta u codeynta sharciga Iibka Qaranka oo horey u soo maray sharciga oo ah saddex akhrin, waxaa jirta in akhrinta labaad uu mari doono sharciga Maxkamadda Dastuuriga,

Xildhibaanka ayaa xusay in ay jiraan dhowr iyo labaatan hindise sharciyeed ay horyaalaan golaha, isla markaana guddoonka uu marba xoogga saaro hadba sida ay u kala horeeyaan.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment