3348 Views

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo soo jeediyay in la magacaabo Guddiga Madaxa banaaan ee musuq maasuqa

____________________________________________________________________________

DSC08536-620x264

Muqdisho, 12 December 2015: Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahhir ayaa soo jeediyay inay muhiimtahay in la magacaabo Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa iyo kan madaxa banaan ee garsoorka, oo horseedi kara in cadaalad wax waliba lagu dhaqo.

Dr Axmed Cali Daahhir, oo ka qeyb galay barnaamijka Kulanka todobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay inay muhim u yihin guddiyadaasi cadaaladda iyo musuq maasuqa, isagoo ku baaqay in hay’adaha dowladda ay xoogga saaraan la dagaallaanka musuq maasuqa.

“In hay’adaha ka shaqeysanaya ama baaraya kiisaska la xiriira musuq maasuqa waxaa muhiim ah inay noqdaan kuwa ka madax banaan hay’adaha dowladda, sharciga inay raacaan oo hakuu tilmaamo waddo aad mareyso, waxyaabaha kale ee u baahan in la sameeyo waxaa ka mid ah in la dhiso Guddiga Madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaa kaloo muhiim ah iyana in la dhiso guddiga Madaxa banaan ee garsoorka” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment