4308 Views

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Jowhar ee dad Shacab ah dhaawacay

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Jowhar ee dad Shacab ah dhaawacay
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 13 December 2015: Sida warka nagu soo gaaray, Madaafiic ay rideen xalay ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee duleedka magaalada Jowhar, ayaa waxaa ku dhaawacantay saddex ruux oo rayid ah.

Dadka dhaawacmay oo labo ka mid ah ay ahaayeen dumar ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar oo lagu daweynayo.

Dadkaan ay madaafiicdan ku dhacday ayaa waxaa ay ahaayene kuwo ku nool xero barakacayaal ah oo ku taal duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Jimcaale Mahdi Maxamuud oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay  madaafiicdan ayaa  waxaa uu sheegay in isagoo jooga gurigiisa uu ku soo dhacay madfac laga soo riday xarunta ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Madaafiicda ay rideen ciidamada AMISOM ayaa laga maqlay meelo ka faog ka fog fog magaalada Jowhar.

Jimcaale Mahdi oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay madaafiicda ayaa sheegay in aysan jirin cid gurmad u soo sameysay ee ciidamada AMISOM iyo maamul degmo iyo maamul gobolba.

Mar dhow ayeey ahayd marki ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Jowhar ay ku dileen nin madaxa looga jirey oo xilli habeen ah galay gudaha xerada ay ciidamadaasi ku leeyihiin dhinca Bari ee magaalada Jowhar.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment