3723 Views

Doorashada 2016 iyo Shirka Madasha wada tashiga

Doorashada 2016 iyo Shirka Madasha wada tashiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13 December 2015: Maanta ayaa mar kale Shirki Madasha wada Tashiga ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, kadib markii shirkii shalay qabsoomi lahaa uu u baaqday kala aragti duwanaan u dhaxeysay Madaxda, iyadoo lagu wado in maanta lagu soo bandhigo nooca ay noqoneyso doorashada sanadka 2016.

Wararka qaar ayaa sheegayaan in Madaxda Maamul goboleedyada oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa ku kala aragti duwanaa hanaanka doorasho ee dalka ka dhici karta.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa isku aragti ka ah in doorashada sanadka 2016 lagu saleeyo qaab deegaan, halka Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ay soo jeediyeen in doorashada lagu saleeyo qaabka 4.5.

Waxaa kaloo jirta aragti kale oo ah in dowladda hada jirta in waqtiga loogu daro, Baarlamaan, Xukuumad iyo Madaxtooyada, inkastoo arrintan aad ah loo diidan yahay in saddexda hey’adood hal mar waqtiga loo kordhiyo.

Sidoo kale waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, kuwaasoo ka hadlayay sidii dhinacyada kala fikirka duwan ay iskugu soo dhawaan lahaayeen.

Shirka maanta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb geli doona Wakiilo ka socota Beesha Caalamka oo Madaxda Soomaalida culeys ku saareysa inay soo bandhigaan hal aragti oo ku saabsan nooc doorasho sanadka 2016.

Dadka u kuur gala siyaasada ayaa sheegaya in Madaxda Soomaalida mid walba uu danihiisa ka eegayo, ayna adag tahay in cid kasta ay u tanaasusho masiirka umadda Soomaaliyeed oo ad moodo in uu meel god ah ku socdo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment