3588 Views

Shir ku saabsan dhismaha maxkamad wareegta oo ka furmay Muqdisho

Shir ku saabsan dhismaha maxkamad wareegta oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13 December 2015: Caydiid Cabdullaahi “Ilka Xanaf” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa maanta tababar kor loogu qaadayo aqoonta garsoorayaasha u furay qaar ka mid ah garsoorayaasha dalka.

Kulankan wadatashiga ah oo looga hadlayay tayaynta garsoorka dalka iyo sidii bulshada ku nool gobollada dalka loo gaarsiin lahaa dhismaha Maxkamadda wareegta, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Cadaalladda ee Maamul goboleedyada dalka ka jira, garsoorayaal maxkamadeed iyo xubno kale, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka.

Kulanka oo socon doono muddo labo cisho ah oo ay iska kaashanayaan Maxkamadda sare ee dalka iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta UNDP ayaa mudada uu socda waxaa la isku dhaafsan doonaa aragtida ku aadan sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nidaam cadaalad ku suleysan.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo ka mid ah mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa soo jeediyay inay lagama maarmaanta tahay in la tayeeyo ciidanka Asluubta, taasi oo lagu gaari karo cadaalad,.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiimtahay in la dhiso Maxkamadda wareegta, si looga fogaado in bulshada ay kala tabato cadaalad darri.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jir oo isna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in ka qeyb galayasha kulanka looga fadhiyo inay tallooyin ku biriyaan hanaanka loo marayo dhismaha maxkamadda wareegta.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf oo furay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada laga leeyahay dhismaha maxkamaddasi ay tahay in shacabka ku nool gobolada dalka, gaar ahaan deegaannada iyo degmooyinka dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab ee aysan ka jriin Maxkamad la gaarsiiyo adeegga garooska.

Markii uu kulanka soo idlaaday kadib ayuu Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu tababar lagu fahamsiinayo wadada loo marayo dhismaha maxkamadaasi u furay garsoorayaal iyo wakiilo ka kala socday maamul goboleedyada Wasnaka ka jira.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment