3723 Views

Somaliland oo dalbatay in dal aan Turkiga aheyn uu ku soo biiro wada hadalka Somalia

Somaliland oo dalbatay in dal aan Turkiga aheyn uu ku soo biiro wada hadalka Somalia
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 13 December 2015: Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dooneyso in dal aan aheyn Turkiga uu ku soo biiro dhex dhexaadinta wada hadalka iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Dr. Sacad Cali Shire oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay soo dhoweeyay wada hadalka u dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliya oo dhowaan la rajeynayo in dib u bilowdo.

“Waxaan jecelnahay in wada hadalada la dar dar geliyo, dibna loo soo celiyo, waana soo dhoweynaynaa wada hadalada”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire oo la hadlayay idaacada BBC-da.

Wasiirka ayaa sheegay in Turkiga ay horay u dhigtay gogosha, balse haatan ay doonayaan in dal kale oo caalamka inuu dhex dhexaadinta ka soo qeyb galo.

“Turkiga waxay ahaayeen cidii gogosha dhigtay, waxaan dooneynaa in dal kale oo aan aheyn Turkiga uu ka soo qeyb galo wada hadalada, dhex dhexaadintana ku soo biiro”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire.

Mar la weydiiyay inay qeyb ka yihiin shirka hiigsiga 2016 ayuu sheegay in Somaliland aanay marna qeyb ka aheyn Hiigsiga 2016, isagoo xusay in iyaga yihiin dal gaar ah, cid kasta oo qeyb ka ahna barnaamijkaas aanay matalin.

Maxamed Cumar Carte  oo ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadalkii Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo labada dhinac u jeediyay inay la yimaadaan tanaasul siyaasadeed.

Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay tahay dal ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee tan iyo mudadaas ma aanay helin wax aqoonsi ah, waxaana deegaanadeeda lagu amaanay inay ka jirto nabad, demoqradiyad iyo xasilooni.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment