3255 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Beeniyay Inuu Xaruntii Hore ee Baarlamaanka Bixiyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Beeniyay Inuu Xaruntii Hore ee Baarlamaanka Bixiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 December 2015: Mudane Yuusuf Xuseen Jimcale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho,  ayaa been abuur ku tilmaamay in maamulka gobolku uu dhismihii hore ee Baarlamaanka ku wareejiyay Telefishanka Universal.

Wuxuu tilmaamay in si khaldan loo fasiray tallaabada maamulka oo ah in la soo celiyo bilicda xarunta, ayadoo lala kaashanayo hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu ka codsaday Universal in ay kala qeyb qaataan dib u hagaajinta xaruntii hore ee Baarlamaanka, uuna ka aqbalay. Xaruntaan waxaa loo beddeli doonaa jardiin lagu nasto oo dhir leh, sida uu maamulku tilmaamay.

Hadalkaan ayad moodaa in weli Gudoomiyaha uu adkaysanaayo in Xarunti hore ee Barlamaanka la dhigaayo JARDIIN. Dadka qaar ayaa qabo in tillaabtaan ay meel uga dhaceeyso Taarikhda Soomaaliya iyo Blicda magaalada Muqdisho.

“Haddii aan ku heshiino inaad gurigaan iiriddiisa (albaabkiisa) xaaqdid, micnaheedu maaha inaan kugu wareejiyay” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf.

Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nadaafadda, isla markaana ay yareeyaan waxyaabaha bilicda wax u dhimaya sida bacaha oo kale.

FB_IMG_1450039067583

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment